Yaa haraggeedii nagaga celiya?! – Qaybtii 3aad

0

(Taariikhahaย  5 Feb iyoย  23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummaddaย  xilliganย  hayaba ,waxay ahaan doonaa qaarย  ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaanaย  ILLAHAYย  ayuun baa og)

ย Xusuus:-

Madax badan oo ka mid ah madaxdii ugu saraysay Dowladihii Soomaaliya soo maray intii u dhacaysay 1960 ilaa 1991,waxaa ka maqlay iyagoo leh โ€œSomaliland waxaa 1960kii ka yimid dad yaacaya,jibaysan,oo Somaliweyn madaxmartay,oo aan wax talo ah ku wada socon,taas ayaana keentay in ay waxba ku yeelan waayaan awoodii Dowladihii jiray xiligaasโ€

ย โ€œWaanu u sii tashanay haddiiย  aanu Soomaalidii Koonfurta nahay,oo waxaanu ku talo galay in aanu shuruudo ku xidhno,laakiin Woqooyi waxaa ka yimid dad iska yaacaya oo aanay waxba u diyaar ahaynโ€

ย Xusuuso:-

Md.C/raxman Axmed Ali(C/raxman Tuur) Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland (ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuuย  yidhi:-

โ€œShacabkaย  ayaa doortay gooni isu taaga Somaliland ,shacabka ayaa laga rabaa in ayย  ilaashadaanโ€.

ย โ€œWaa laga yaabaa in aanu qaldano haddii aanuย  Siyaasiyiinta nahay,eeย  waa in Shacabku na ilaaliyaa,oo ay wadada saxa ah naguย  toosiyaanโ€

ย โ€œReer Somaliland si yar ayaa jibo u qaadaa,waxaa fiicaan in aad iska ilaalisaan deg dega iyo jibadaโ€.

ย โ€œWaa in aynu iska ilaalinaa wixii ay 1960 kii ,inagu dhacay,waxaa fiican in aanay mar labaad inagu dhicinโ€

Xusuus:

Maxamed X.Ibrahim Cigaal-Madaxweynihii 2aad ee Somalilandย  ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu yidhi:-

ย โ€œQof caashaqย  ayeynu naqaanaaโ€ โ€œWeli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinayย  maxaaย  inoo dan ah?ย  โ€œWay howl yar tahay sida la idiin karbaashaaโ€ย  โ€œ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qorayโ€—–Erayadaa waxaaย  Khayrida Hargeysa ka yidhiย  ILLAHAYย  NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihiiย  hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.

ย โ€œKuwii dhintay idiinkama baahna in aad u aartaan,idiinkama baahna in aad u ooydaan,kuwa nool ayaa idiinka baahan in aad badbaadisaanโ€

ย โ€œShalay jibo ayaa idin geysay Soomaaliya,maantana jibo ayaa idin keentay Somaliland,berina jibo ayaa idin geyn doontaa Soomaaliyaโ€

Xusuus:-

Md:- Daahir Riyaalle Kaahin,Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu yidhi:-

ย โ€œDumuqaraatiyada Somaliland maanta ka jirta waxaa aasaaskeeda lahaa Madaxweynihii iga horeeyey, ALLE ha u naxariistee Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal,aniguย  waan hirgeliyey,waana taas aynu maanta midhaheedii guranaynoโ€

ย โ€œNabad aad keligaa haysataa waxba kuu tarimayso,waxaa ku dadaalay sidii aan wadamada deriskana ula heshiin lahaa,waxaan ka bilaabay Jaabuti,Itoobiya iyo Kenya โ€œ

ย โ€œWalaalkay Ahmed (Siilaanyo) wuxuu nasiib u yeeshay in uu la wareegoย  dal dhisan ,nbadad ah,wada jira,dadkiisii wada joogaan โ€œ!!

Xasuus:-

Abwaan Ibrahim Gadhle ILLAHAYย  naxariistii Jano ha siiyo!

Waar! hoy! dadkaygoow

Laba daan dhexdoodiyo

Dalqo bahal qof galayoo

ย  Dirqi iyo tu fool adag

ย  Debedda ugu soo baxay

ย  Halkii shalayto lagu dilay

ย  Ma dareemi waayee

ย  Durba miyaa iloowdeen

ย  Duunyadiinii dhacantiyo

ย  In dadkiinii maqanyahay

ย 

Xusuus:-Abwaan Cali Sugule:-

Nina diric ahaantii

Daleel guusha kama helo

Dadkaa geesi lagu yahay.

Hadal iyo dhamaan ma layaga yaabaa in mar kale ay reer Somalilndย  galaan qaladkii 1960kii ay galeen ? ma laga yaabaa in reer Somaliland ay markale iska yaacaan iyagoonย  aan wax shuruud ah la gelin Soomaaliya ?,ย  suaalaha jawaabahoodaย  runtii aad iyo aad ayey u adag yihiin xilligan,balse waxaa muuqda saansaan u eg tii 1960kii,ย  xusuustaa faraha badan iyo halgankiiย ย  dheeraaย  shacabka reer Somaliland soo galeenna wuxuu u muuqdaaย  โ€œhal bacaad lagu lisayโ€

ALLAAย  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com