Yaa harageedii nagaga celiya? – Qaybtii 4aad

0

Wada hadal !!

ย (โ€œWada hadlaโ€ waa eray Afsoomaali ah,macnihiisuna waa cadyahay,laakiin qolaba sidii ay jeclayd ayuun bayย  u macnaysatay).

23 Feb 2012 waxaa London ka dhacay Shir ay ka soo qayb galeenย  ergooyin 50 ka badan ,isugna jira Dowlado iyo Ururo caalami ah .Shirkaa ujeedadiisu waxayย  ahayd amaseย  lagaga hadlayย  arimoย  u gaar ah Soomaalida ,laguna soo koobi karo siyaasada,samafalka,ย  amaanka iyo horumarka sidii looga caawin lahaa guud ahaanbaย  dadyowga Afka Soomaaliga ku hadla.

Dhinaca Soomaalida waxaa Shirkaasย  Londonย  ugaย  qayb galayย  wufuud ka kala socday Soomaaliya(TFG),Puntland,Galmudug iyo Ehlu Suna Waja maaca oo isku dhinac ah iyo Somalilandย  oo iyanaย  dhinac ah.Warmurtiyeed laga soo saaray isla maalintii 23 Feb,markiiย  shirku dhamaaday waxaa ku qornaa 26 qodob,oo dhamaantoodba kaย  hadlaya guud ahaanย  arimaha Soomaaliya, sida Siyaasada,nabadgelyada , gargaarka samafalka iyoย  International Contact Group (ICG) iwm.

Waxaa jira qodob ka mid ah 26 qodob ee Shirkii London ka soo baxay ,oo aad moodo runtii in laysku maan dhaafsan yahay , loona sameeyeyย  runtii macnayaal aad u kala fog oo iska soo hor jeeda. Qodobkaasi waaย  Q6 ee warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii London 23 Feb 2012 ,wuxuu u qornaa sida:-

Somali

(6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.)

English:-

6. The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.

Sidaย  Soomaaliya looga fasirtay Q6:

Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magalada Muqdisho aad ayaan looga dabaal degay ,looganaย  soo dhoweeyey Q6 ee go,aanadii ka soo baxay Shirkii London ,waxaana loo macneeyey:-

โ€œ In Somaliland ka noqotay gooni isu taageedii oo ay Soomaaliya markale ku soo biirayso,in ay soo dhowaatay midnimadii Soomaaliya,in ay dhamaatay kala qaybsanaantii Siyaasadeed eeย  Soomaaliya iwm.

Sida reer Somalilandย  u macnaysteen Q6:-

Guud ahaan reer Somaliland naย  aadย  ayey ugu dabaal degeen, una sooย  dhoweeyeenย  Q6 ee warmurtiyeedkii Shirkii London,waxaanay u fahmeen,una fasirteen si aad iyoย  uga fog sidii ay Soomaaliyaย  u fahmeen amse u fasirteen.Reer Somaliland waxayย  ku macneeyeen Q6 Shirka ka soo baxay :-

โ€œWaxaa soo dhowaadayย  Aqoonsigii Somaliland,hadda ayeynu kala go,aynaa Soomaaliya oo aynuย  mudo aad u dheer kala roonaan weynay,Soomaaliya waxay tidhi waanu ogolnahay gooni isu taaga Somalilandโ€

Dhinaca kale waxaa iyana wareer iyo wax lala yaabo ah, cid kasta oo ka qayb gashay Shirkii London ka dhacay 23 Feb ,sida Somaliland,Soomaaliya,Puntland,Galmudug iyo Ehlu Suna Wajamaaca , waxay midwaliba sheegatay amase ay ku dhawaaqdayย  in โ€œShirkii Londonโ€ ay dhinacooda guul ka soo hooyeen.Waa laga yaabaa in mid walba gooni amase si hoose loogu sheegay,guusha ay sheeganayso .

Haddii aynu dib ugu yara noqono xusuusta Madaxweynayaashi hore ee Somalilandย  soo maray,marnaba may qarin jirin inย  Soomaaliya iyo Somalilandย ย  ay wada hadli doonaan maruun ,waxay dhamaantood ku celcelin jireenย  erayadaย  ay ka mid yihiin โ€œSomaliland waxay la hadlaysaa Soomaaliya —marka la helo Soomaaliya oo mid ahโ€,haddaba suaasha jawaabta u baaani waxay tahayย  ma Soomaaliya ayaa mid noqotay ?,mise waxaynu ka mid noqonaynaa Gobolada Soomaaliya?.

Hadal iyo dhamaan aniga waxay ila tahayย  fasiraada Siyaasadeed ee Q6 ,waxaa garanaya oo keliya cidiiย  soo saartay oo ah Dowladihii iyoย  Ururadii ku Shiray London 23 Feb 2012,balse inteena kale ninba sidii uu jeclaa ayuun buu u macnaystay.

ย โ€œQ6ย  macnayntiisu waa nina sii kuu qor—– nina si kuu qaadayโ€,

ALLAAย  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Politicalย  Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com