Xusuusta Waxqabadkii Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Laba Jirsaday March 2012- March 2014

0

Wasiirka-cusubBisha March waxaan ku xasuustaa waxqabada qaatay 19 bilood (August 2010-March 2012) ย oo u dhacay sidan:

Eng Maxamed xaashi ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee wasaarada maaliyada somaaliland ee ay magacawdo xukumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee xukunka la wereegtay 27kii bishii toddobaad ee sanadkii 2010.

Odoroska miisaaniyadeed ee sanadkii 2010ka ayaa dhamayd 330,909,580,627 (Saddex Boqo iyo soddon bilyan sagaal boqol iyo sagaal miyan shan baqol iyo sideetan lix boqol iyo toddoba iyo labaatan) halka toddobadii bilood ee ugu horeeyey ku talo galka dakhliga misaaniyadaasi ahaa 180,000,000,000 (Boqol iyo sideetan bilyan oo shilinka s/land ah) iyada oo dakhliga runta ah ee ku talo galkaa ka soo xarooday ahaa 151,000,000,000 ( Boqol iyo kow iyo konton bilyan oo shilinka s/land ah), halka kharashaadka la bixiyey toddobadaa bilood ( jan โ€“july 2010) uu dhamaa 109,000,000,000 (Baqol iyo sagaal biyan oo s/land ah), marka la kala gooyo dhakhliga iyo kharashka toddobadaa bilood soo hadhay uu ahaa 42,000,000,000 (Afartan Bilyan oo s/land ah), lakiin aan loogu iman baanka dowlada.

Wasiirkii Maaliyada ee xiligaa oo ahaa Eng. Maxamed waxaa kale oo uu la wareegay afart xisabood ee dowlada s/land ku shaqayso oo madhan (xisaabta Dowlada dhex ee A/C08, Xisaabta kabka dowladda hoose oo ahayd A/C156, Xisaabta gobolada bariga 2% A/C490,ย  Xisaabta Hayโ€™adda wadooyinka qaranka)

Dayntaย  dowlada lagu lahaaย  waxaa ka mid ahaa Afar bilood (bishii Afaraad ilaa bishii todobaad ee sanadkii 2010ka)ย  oo mushahar aanay qaadan ciidamada iyo shaqaalaha oo dhami, sidoo kale raashinka ciidamada oo hal bil (bishii toddobaad) ay dad muwadiniin ahi leyihiin, halka dhamaan kharashaadkii hawl socodsiinta ilaa bishii kobaad ilaa bishii toddobaad ee sanadka 2010ka, ay dayn ahayd, isku gaynta daymaha Eng. Maxamed xaashi nasiibka u yeeshay in uu la wareego ay dhamaydย  $ 22,000,000 ( laba iyo labaatan malyuun oo doolar).

Xili uu warbaahinta la hadlaayey Eng Maxamed xaashi oo ah wasiirkii hore maaliyada ayaa ku cabiray dareenkiisa hadalkan kooban oo uu yidhi (markii aan xilka la wareegay waxaan la kulmay xaalad adag, taas oo ahayd in dawladu ay qarka u saarnayd inay burburto sababtoo ah waxay ahayd dawlad lacag badan lagu leeyahaya isla markaana ay lacag badani ku maqan tahayโ€ฆ.. Eng. Maxamed xaashi.

Eng. Maxamed Xaashi 19 Bilood (august 2010-March 2012 ) Waxqabadyadii Uu Qabtay Waxaa Ka Mid Ahaa Oo Aan halka Ku Xusi Karaa

Hab-Maamulkii maaliyadeed ee Eng. Maxamed wakhtigaa hormoodka ka ahaa waxay ka guurtay xisaabta Dowlada dhexe A/C08, kaas oo lacagta adag iyo lacagta shilinka somaliland ku wada xaroon jireen, waxaynaย  furtay xisaabta lacagta adag ee hore u jirtay, lakiin aan la isticmaali jirin,xisaabtaas oo ahayd AC/11, waxaa kale oo hab-maamulkii maaliyadeed ee Eng. Xaashi furay xisaab cusub A/C 488, kaas oo isna lagu shubo shilinka Somailand, Halka xisaabta kabka Dowladaha hoose ee A/C156, lagu bedelay xisaab cusub oo ah A/C489.

Dedal dheeraad ah ka dib hab- maamulkii maaliyadeed ee Eng. Xaashi wuxuu ku guulaystay in uu bixiyo dhamaan dayntii dowlada lagu lahaa ee dhanayd $ 22,000,000, sidoo kale Agust-December 2010 xisaabta kabka Dowladaha hoose A/C489, waxaa lagu shubay lacag dhan 6,518,407,715 sl.sh, dhakhligan oo sababay in ay dowladaha hoose ee dalku ku bilabaan mashaariic ay ka midka yihiin jidadka, sidoo kale waxaa kor loo qaaday 40% dakhliga ay dowlada dhexe u qabato dowladaha hoose. Halka xisaabta 2% ee gobolada bariga A/C490, isaga oo sida xisaabaadkii hore oo kale madhnaa ayaa waxaa sare loo qaaday in laga ilaaliyo inuu musuq maasuq ku yimaado oo waxaa ku dhacay dakhli dhan $423,917 oo lagu fuliyey mashariic ay ka mid yihiin laascanood oo laga fuliyey Dhismaha sariibad ku kacay kharash dhanย  $140,114 iyo Dhismaha kale ee kawaanka oo ku kacay kharash dhan $137,440, halka Dhahar laga fuliyey dhismaha xabsiga oo ku kacay kharash dhan $146,363, halka xisaabta Haayโ€™adda wadooyinka Agust-December 2010 la soo xareeyey dakhli dhan 3,957,277,321 sl sh. Eng. Maxamed Xaashi wuxuu wax ka qabtay sariifka lacagta qalaad, oo farqiqii sarifka lacagaha laga dhex sameeyey dakhli dhan 16,000,000,000 sl. Sh. Isku soo wada duub dhakhliga dowlada (Agust-December 2010) wuxuu noqday dhakhli dhan 179,909,580,627 sl sh.

Eng Maxamed xaashi waxa uu dajiyey qorshe lagu badbaadinaayo Qaranka oo waxaa uu culays dhereead ah sii saaray sidii loola tacaali lahaa marxalada adage e dhaqaale xumo ee ka jirta dalka, Eng. Xaashi waxaa uu qaaday talaabooyinย  feejignaa badan oo lagula dagaalamaayo musuq maasuqa iyo talabooyin kale oo xooga lagu saaray sidii dakhliga dowlada loo kordhi lahaa gaar ahaan kastamada Berbera, Kalo baydh, iyo Saylac, waxaa kale oo xooga la saaray dakhliga cashuuraha Bariga oo hoos loo dhigay tusaale ahaan cashuuraha Macashal macaashka Ganacsiga, Macashal macaashka kirada Guryaha, cashuurta kala warejinta Baaburta, cashuurta Gadista, Cashuurta Diwaan Galinta shirkadaha, Cashuurta dhaxalka, sidoo kale waxaa la diwaan galiyey dhamaan guryaha Hargysa, Borama, Berbera, Burco, Ceergaabo, Gabiley, Wajaale, Arabsiyo. Talaabooyinkan oo dhami waxay sababeen in dakhliga dowladu sare u kaco tusaale ahaan ka kastamada qaar dakhligoodu sare u kaco 100%, halka dakhliga cashuuraha barigu 35% uu sare u kacay.

Eng. Maxamed Xaashi miisaaniyada sanadeedkii 2011kii oo qadarkeedu ahaa 481,323,687,473 slsh, miisaaniyadaa waxaa mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada oo loo kordhiyey 100% oo ka noqonaysa miisaaniyadaa 59%. Sidoo kale Burco waxaa laga badalay lacagtii giinbaarta ahayd ee ay isticmaalayeen, halka miisaaniyadaa caafimaadku ka ahaa 16,344,798,558 slsh, waxbrashaduna ay ka ahayd 33,469,692,024 slsh, wakhtigaa ย Eng. Xaashi waxaa kale oo hir gashay in Golaha Baraalamaanka la hor keenay xisaab xidh sanadeedkii lixdii bilood ee ka hadhay sanadkii 2010ka iyo markii uu dhaamaadaay sanadkii 2011kuba, oo xisaab xidh la hor keeno ay ugu dambaysay sanadkii 2002-dii.

Halka qiyaasta saboolnimada ka jirta magalooyinka somaaliland oo aad u yaraatay marka loo eego ta ka jirta wadamada jaarka, sabata oo ah waxaa 2010-2012kii la qoray shaqale dhan 5557 shaqaale ah oo la kulmay mushahar fiican oo loo kordhiyey iyo sixir barar laโ€™aan ay keentay cashuuro aan sare loo qaadin.

Halka helitaanka adeegyada cafimaadka ka jira magaalooyinka marka la bar bar dhigo wakhtiyadii hore ay aad u wanaagsan yihiin, sababat oo ah Hab- Maamulkii Maaliyadeed Eng. Maxamed Xaashi wuxuu wax ka qabtay in uu kordhiyo xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka, iyo Gadiidka caafimaadka, Waxa kale oo la kiciyey qalabka kalyahaย taas oo ku kacday shan iyo afartan kun oo doolar, halka sidoo kale gabi ahaanba la bedelay sariirihii yaalay cusbitaalka Hargaysa oo aad u gaboobay oo kolba meel laga laxaamadi jiray oo Kharash dhan ku kacday lacag boqol iyo shan kun oo dolar.

Heerka wax akhriska iyo qorista wakhtigii Eng. Maxamed xaashi aad ayey uga wanaagsanaa akhriska iyo qorista ka jirta wadamada jaarka, tusaale Waxbarashada dugsiyada hoose dhexe ee dawlada waxaa laga dhigay lacag laโ€™aan, Waxa kale oo la qoray 2950 macalin oo laguย daray macalimiinta mushaharooyinka qaata, taasi waxay dhalisay korodhka akhriska iyo qorista ardyda u dhaxayso 7-13 jir ay sare u kacdo tiro dhan 85% caruurta daโ€™doodu gaadhay xiliga tagista dugsiyada.

Wax soo saarka guud ee wadanka somaaliland aad ayuu uga fiicnaa wakhtaa Eng. Maxamed Xaashi tusaale ahaan horumarinta wax soo saarka beeraha ayaa sare loo qaaday iyada oo agabka horumarinta beeraha la gaadhsiiyey beeraleyda qalabyada ay ka mid ka yihiin motoro, tuunbooyin, haamaha buufinta cayayaanka, saacado qodaal, majarfadooyin, yaanbooyin, madaraqyo, kaaryooneyaal, roobeeg, makiinad gacmeed arabikhida lagu dhilo, cagafyo, sidoo kale 2,000 beeralay ah ayaa tabobaro la siiyey.

Kaluumaysiga oo aan ilaha dakhliga hore ugu jirin ayaa wakhtigaa Eng. Maxamed Xaashi ka soo xarooday dakhli dhan $ 463,472.00.

ย Xil Wareejintii March,2012 Ee Eng.Maxamed Xaashi ย ย 

Waxa ugu horeeya ee wasiirka lagu wareejinayaa waa shaqaalaha oo u qaybsamaaya laba qaybood oo kala aha Shaqaalahaย joogtada ah iyo shaqaale ku meel gaadh ah.

Shaqaalahaย  joogtada ah ee wasaarada maaliyada kuwaas oo tiradoodu tahay 586 qof darajadooduna ay kala tahay 78 heerkoodu yahay A, 286 heerkood yahay B, Halka 122 Heerkoodu yahay C iyo 118 Heerkoodu yahay D.

Shaqaale ku meel gaadh ah oo ka kooban 12 shaqaale ah kuwaas oo hayโ€™adda UNDP ay wasaarada maaliyadaย  u qaabishayย  mudo laga joogo sadex sanadood kuwaas oo heshiiskoodu dhamaadayย  isla markaana lala galay mid cusub. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa 24 shaqaale kuwas ooย  ah ardaydii jaamacadaha ka soo baxday iyada oo hayโ€™adda IOM ay wasaarada koontaraag ugu samaysay, oo 18 ka mida shaqaalahaa ay hayโ€™addu lacagtood bixiso halka 6-da kalana ay wasaarada maaliyadu lacagtooda bixiso. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa 18 arday oo jaamacadaha ka soo baxay oo ka hawl gala cashuuraha bariga lacagtoodana ay bixiso wasaaraa maaliyadu. Sidoo kale waxa lagugu wareejinayaa 61 shaqaale oo ka hawl gala kastamada, cashuuraha bariga iyo xisaabaadka, shaqaalahaas oo ah shaqaale ku meel gaadh ah. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa khubaro wasaarada kastamada uga hawl gala oo tiradoodu tahay 5 isla markaana xafiis gaara leh, waxa kale oo weheliya hal khabiir oo dhinaca ICT-ga ah oo ka hawl gala wasaarada maaliyadda.

Dhinaca dhismayaasha waxa lagugu wareejinayaa 38 dhisme kuwaas oo ka dhisan gobolada dalka, iyadaย oo 11 ka mida ay hayโ€™ada USAID ay dhismahooda noo soo marisay hayโ€™adda IOM isla markaanaย  ay dhismahoodu socdaan. Halka Gaadiidka lagugu wareejinayaa uu dhan yahay 51 gaadhi kuwaas oo 45 ka midi ay shaqaynayaan halka 6-da kalana ay fadhiyaan. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa heshiis ay wasaarada maaliyadu la gashay hayโ€™addaย IOMย kaas oo ah qalab soft ware ah.

Waxaa Kale oo lagugu wareejinayaa heerka qasnadda dalwada iyo waxa ku jira, xisaabta waxaanu xidhnay 17-kii bisha, wasaarada maaliyadu waxay maamushaa afar xisaabood laba iyadaa gaar u leh midna lacagta Somaliland-ta ah ayaa ku dhacda ka kalana lacagta adag ayaa ku dhacda. Xisaabta ay lacagta somalilandn ku dhacdo waxa la yidhaa A/C488 waxaaan kuย  jira 22,316,448825 shilin, halka xisaabta lacagta adagi ku dhacdo la yidhaa numberkeeda A/C11 waxa ku jira $620,21. Waxa kale oo jira laba xisaabood oo kale, kuwaas oo mid ka mid ah ay dawladaha hoose leeyihiin isla markaana ah lacag kabka ah oo la yidhaa A/C489, waxaan ku jirta lacag dhan 1,921,804,511 sl sh, Waxa kale oo jira xisaabta kale ee yidhaa kabka gobolada bari isla markaan ah boqolkiiba laba (2%), oo xisaabteeda ala yidhaa A/C490, waxaan ku jirtaย  lacag qadarkeedu dhan yahay $5,4385828. Waxa kale oo wasiir lagugu wareejinayaa oo aan xisaabta hada lagu shubin lacagย 43 milyan ah taas oo hada baanka taala isla markaana ay wasaarada maaliyadu leedahay, Intaas marka layskuย daro waxa lagugu wareejinayaaa lacag qadarkeedu dhan yahay labiyo toban milyan oo doolar (12,000,000$).

Dhinaca dayntaย ma jirto wax dayn ah oo Eng. Maxamed xaashi Cilmi uu wareejiyey ย ka baxsan miisaaniyadda sanadka 2012, wixii ka soo hadhay sanadkii horena waxa lagu cadeeyey miisaaniyada sanadkan, laakiin waxa jira foojaro waaxda maamulka yaala ย oo uu Eng. Maxamed xaashi jiritaankooda ku qanci waayey.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa tigidhadii istamka ahaa kuwaas oo markii ugu horaysay wasaarada maaliyadu soo samaysay kuwaas oo cadadkoodu dhan yahay sadex milyan laakin heshiiskii shirkada lala galay waxay ahayd inay keento 2,975 xabo, dakhliga loogu tala galay inay soo xareeyaana waa lab iyo toban bilyan kuwaas oo iyaguna yaala isla markaana daabacan.

Waxa kale ooย  lagugu wareejinayaa shuruucdii ay wasaaradu lahayd, kaas oo uu ugu horeeyo sharciga cashuurta toosan, sharciga wado marista, sharciga cashuurta gadista, sharciga istamka, sharciga sale text-ka, sharciga kastamyada, sharciga bakhaarada, sharciga xisaabaadka, sharciga xisaab maaliyadeedka, sharciga cashuurta maamulka iyo sharciga kabka dawladaha hoose.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa miisaaniyadii sanadkan 2012ka ย oo ah miisaaniyadii 20-aad ee ayย  wasaarada maaliyadu samayso. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa siyaasada miisaaniyada sanadka 2012, taas oo ay jirto hal qodob oo odhanayaย  in baanka laga soo qaado wixii lacag ah ee loo baahdo iyada oo la joojinaayo lacagta garoonada diyaaradaha laga soo qaadayo isla markaana wasaarada maaliyadu 10$ย  ka qaado dadka ka soo dagaya Garoomada diyaaradaha, ย iyada oo tacriifadiina ay la socoto miisaaniyada golaha hor taala, lacagtaasna waxa iska leh baanka mana ah lacag ay wasaarada maaliyadu leedahay waxaana golaha wakiilada loo hor geeyey in lacagtaas uu baankuย  isla leeyahay.

Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shuruucย Shan ah oo baanka aduunku wax ka badal ku soo sameeyeen hadana khubaro wasaarada maaliyadu u saartay kuwas ooย ย  dib u eegis ku soo samaynaaya. Waxa kale oo lagugu wareejinayaa diwaan gelintii meheradaha dalka taas oo iyaduna soft-ware ah. Waxa kale oo lagugu wareejinayaaย qorshaha shanta sano ee wasaarada maaliyadaย  ย taas oo kuย dabaqan qorshaha shanta sano ee qaranka.

Waxaa xusuustan ku soo Gobogabaynayaa in aad eegto Qormada uu Maxamed Baashe X. Xasan ka Qoray Astaamaha uu leeyahay Eng. Maxamed Xaashi Cilimi Ee Ciwaankeedu Ahaa Muddaakar La Bilkeedey!

Yusuf Soraan

Aqoonyhan shahaaddada sare ee Master-ka (MBA) ku Diyaariyey Maamulka Cashuuraha Iyo Maaraynta Kastamadda (MBA of Tax and Custom Administrator)ย ย 

Graduate Institute of Tax and Custom Administration in Ethiopian Civil Service University

ย Email: sooran07@hotmail.com