Xuska sannad-guuradii xukuumada siilaanyo, xayaysiiskii waxqabadka iyo xikmadii qodaal joog

0

Waraysigii manaamka shanta wasiir ee xukuumada madaxwayne siilaanyo

ย ร˜ย ย ย ย ย Qurba joog iyoย ย qodaal jooguba

ร˜ย ย ย ย ย Laba weeyi qiraala

ร˜ย ย ย ย ย Inay qayb ka yihiin

ร˜ย ย ย ย ย Qarankan manta aan joogno

ร˜ย ย ย ย ย Qormo ay ku kulmeena

ร˜ย ย ย ย ย Salaam qiima lahoo

ร˜ย ย ย ย ย Qalbi saafiyi dhiibay

ร˜ย ย ย ย ย Qaxwihiina la raacshay

ร˜ย ย ย ย ย Waxay soo qadimeen

ร˜ย ย ย ย ย Kaftan qaaya lahoo

ร˜ย ย ย ย ย Taladii qarankeeniyo

ร˜ย ย ย ย ย Quruskooda ku saabsan

Qurba joog. Madax wayne siilaanyo golahii wasiirada ee uu sooย ย xulay waxan oo wax qabada maxay dadaal muujiyeen ee ay soo bandhigeen een warbaahinta madaxa banaan ku soo qoreen ma iyadaa wadanka kaba muuqataba tolaw ma kaartadiii hay,adaha caalamiga ah ayayย fahmeen .

Qodaal joog. Horta kaftankaaga iyo sheekadaada waxaan ka sii jecelahay fahankaaga qaaliga ah waar maย ย durbaad fahantay in xukuumadan siiraanyo ku shaqaynayso kaartadii hay,adaha caalimiga ah (EE QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN) waxan oo wax qabada ee ay sheeganayaan baadhis iyo xuuraan ayaan ku sameeyay waxaanan manaam waraysi kulaย ย yeeshay shan wasiir oo ka mida golaha wasiirada walibana loo yaqaano wasiirada xaraashka ah ee xukuumada madax,wayne siilaanyo.

Qurba joog. Waar miyaynu wada soconay aniguna waxaan xuuraan uguย ย jirayย ย xam,xamta dad waynaha xanta suuqyada iyo sida ay u arkaan dad waynuhu xayaysiiskan wax qabadka ah ee xukuumada madax,wayneย siilaanyo.

Qodaal joog . mudadan aan kala maqnayn xikmadbaan la aamusnaa oo iga soo guuxaysay bal waxyar aan kaaga iftiimiyo waraysigii aan riyada kula yeeshay shan xubnood oo golaha wasiirada ka tirsan iyo xikmadii ka dhalatay

vย ย ย ย Gogol xaadhka faalada

vย ย ย ย Duurxul baan ka dhigayoo

vย ย ย ย Halxidhaale weeyoo

vย ย ย ย Murtidana xadkeediyo

vย ย ย ย Xuduudkeeda kama bixin

vย ย ย ย Kuwa fulinta loo xulay

vย ย ย ย Wasiirada xaraashka ah

vย ย ย ย Xafiisyada ku booqdoo

vย ย ย ย Kaftan baan ku xagayoo

vย ย ย ย Xogna waan ka urursaday

vย ย ย ย Xikmad baa ka dhalatoo

vย ย ย ย Xaruntii warfaafintaa

vย ย ย ย Xaabsade ku booqdoo

vย ย ย ย Wuxu yidhi xariirow

vย ย ย ย Gobolkaan xigtaystiyo

vย ย ย ย Xuduntaydu ay taal

vย ย ย ย Xuurtaan ku haystaa

vย ย ย ย Xagjirkiyo shabaabkana

vย ย ย ย Anigaa xidh,xidhi kara

vย ย ย ย Xabsiyada ku guri kara

vย ย ย ย Xasilooni dhalin kara

vย ย ย ย Xalin kara khilaafyada

Qurba joog. Af=aanad lahayn lama aamusiin karo waxaa kaaf iyo kala dheeri ah sida ay uaragto xanta suuqyadu een xuuraan ka kusoo helayiyo xam xamta ayย ย dadwaynuhu isla dhexmarayaan sida ay tixdani tilmaamayso.

vย ย ย ย Xogtan baadi doon keed

vย ย ย ย Qalin lagu xariiqiyo

vย ย ย ย Xaashi baan u qaatoo

vย ย ย ย Dadwaynaha xantiisiyo

vย ย ย ย Xam,xamtooda hoosaan

vย ย ย ย Xuuraamay maal,moo

vย ย ย ย Xaqiiqday ka hadashee

vย ย ย ย Sool iyo xageedaa

vย ย ย ย Garaadadii xukumi jiray

vย ย ย ย Dhaqan lagu xurmayn jiray

vย ย ย ย Xagay manta joogaan

vย ย ย ย Mashruuc xoolo lagu cuniyo

vย ย ย ย Xoorkiisu waynyahay iyo

vย ย ย ย Xoodaamin mooyee

vย ย ย ย Ma isagaa xal waariyo

vย ย ย ย Xasilooni dhalin kara

Qodaal joog. Aad iyo aad ayaan uguย ย faraxsanahay sidaad iigu hal celisay waxaan filayaa in kaftankeenii miisaamanyahay maanta

vย ย ย ย Xaruntii madaxtooyadaan

vย ย ย ย Dalkan laga xukumo baan

vย ย ย ย Xirsi aan ku booqdoo

vย ย ย ย Wuxuu yidhi xariirow

vย ย ย ย Waayeel xil qaadaan

vย ย ย ย ย xigtadiisa ahayoo

vย ย ย ย Xukuumadii uu soo dhisay

vย ย ย ย Xilalkaygu tiro ma leh

vย ย ย ย Ma ogtahay xariiroow

vย ย ย ย In aan wasiirada xanibi karo

vย ย ย ย Xilka qaadis fulin karo

vย ย ย ย Xanaanayta odagana

vย ย ย ย Xog hayaan ka ahayoo

vย ย ย ย Xigaalkiidu waa ani

Qurba joog. Wasiir xirsi gaab waxuu si wayn inoogu iftiimiyay heerka awoodiisu gaadhsiisantahay inkasta oo aanay dadwaynuhu u arag sidan uu isku arko sida ka muuqata tixdan

vย ย ย ย Xam,xamtii dad waynuhu

vย ย ย ย Xaqiiqday ka hadashee

vย ย ย ย Is xariifin mooyee

vย ย ย ย Wasiirada xaraashka ah

vย ย ย ย Xubnahooda muu galin

vย ย ย ย Aniguna xaqiiqsani

vย ย ย ย Nin xamaasad badantahay

vย ย ย ย Xadro joog duceeyoo

vย ย ย ย Maqaamyada xurmeeyiyo

vย ย ย ย Ka xanaaqda qaadkana

Qodaal joog . iyada oo halkaa inooga sii socota xog warankii aan la yeelanay xubno ka mid ah wasiirada xaraashka ah.

vย ย ย ย Xaajigii gaboosana

vย ย ย ย Xuduntii amaankaan

vย ย ย ย Xarunteeda ugu tagay

vย ย ย ย Wuxu yidhi xariiroow

vย ย ย ย Xilkan manta aan hayo

vย ย ย ย Xirfadaydu kala duwan

vย ย ย ย Dhakhtar xoogan baan ahay

vย ย ย ย Xanuunada yaqaanoo

vย ย ย ย Marna qaran xukumi jiray

vย ย ย ย Riyaalana xaqiri jiray

vย ย ย ย Xabsigana mar galayoo

vย ย ย ย Xuquuqdiisa lagu gafay

vย ย ย ย Kootadii xidhnaydee

vย ย ย ย xisbiyadu samaysteen

vย ย ย ย kii xoreeyay baan ahay

qurba joog. Wasiir gaboose waxuu sheegay wixii maskaxdiisa ka dhex guuxayay xam xamta dadwaynuhu waxay sheegaysaa in aanu wasiir gaboose xog ogaalba u ahayn xilkan wasaarada arimahaย gudaha.eeqaranka uu u hayo sida tixdani tilmaamayso

vย ย ย ย Xam,xamtii dad waynuhu

vย ย ย ย xaqiiqday ka hadashee

vย ย ย ย shaw odayguย ย xaalkaba

vย ย ย ย xo,ogaalba uma aha

vย ย ย ย isku xidhkii dalkeenana

vย ย ย ย xog hayuhuu wakiishaba

vย ย ย ย shuruud buu ku xidhayaa

vย ย ย ย xoojintii amaankana

vย ย ย ย xageedaba u muu kicin

vย ย ย ย xiisuhuu u aqbo urur

vย ย ย ย kala wayn xilkii qaran

qodaal joogย ย ย markale waxaan booqday xarunta wasaarada maaliyada anigoo manaamkii ku jira sida tixdani tilmaamayso.

vย ย ย ย xaruntiiย ย maaliyadii

vย ย ย ย dakhli lagu xisaabshaan

vย ย ย ย wasiir xaashi ugu tagay

vย ย ย ย waxuu yidhi xariiroy

vย ย ย ย xalaal quute baan ahay

vย ย ย ย xeerarkanaย ย yaqaanoo

vย ย ย ย miisaaniyad xad dhaafiyo

vย ย ย ย dakhli soo xereeyoo

vย ย ย ย musuqiyo xatooyadii

vย ย ย ย xakamahaan adkeeyoo

vย ย ย ย xadhkahaan u jiidoo

vย ย ย ย xogna waan ka haystaa

qurbaย ย joogย ย ย si wayn ayay isku waafaqsan yihiin xog waraysigii uu qodaal joogu manaamka kula yeeshay shanta xog warankii qurba joogu sida tixdani tilmaamayso iyadoo si wayn uga murugaysan cabashada cadaalad darada ay shaqaaluhu tirsanayaan sida isku badalkooda hawl galinta waaxda kastamada.

vย ย ย ย xam xamtii dawaynuhu

vย ย ย ย xaqiiqday ka hadshee

vย ย ย ย xaal xaalka hoosiyo

vย ย ย ย xuquudii shaqaalaha

vย ย ย ย lama sugin xadkoodii

vย ย ย ย kastamada xagoodana

vย ย ย ย ragbaa xero ka ootoo

vย ย ย ย xaandaabtayย ย gabigood

vย ย ย ย gacal iyo xigtaa timid

vย ย ย ย xubin xubin shaqaalaha

vย ย ย ย marwo xaawo taakiyo

vย ย ย ย xildhibaano lagu dhaaf

qodaal joogย ย ย mar kale waxaan booqday wasaarada duulista iyo hawada waxaan manaam ku waraystay wasiirkii oo ku sugnaa xafiiskiisa.

vย ย ย ย xaruntii madaarada

vย ย ย ย xogta duulimaadyada

vย ย ย ย xeradeeda booqdoo

vย ย ย ย wasiir xaashi ugu tagay

vย ย ย ย waxuu yidhi xariirow

vย ย ย ย qurba joog xaruuriya

vย ย ย ย xirfad iyo aqoonloo

vย ย ย ย xjdhiidhada aduunkana

vย ย ย ย xog ogaal u noqon kara

vย ย ย ย xilkan manta aan hayo

vย ย ย ย xoolaan ku helayoo

vย ย ย ย lacag baan xawili jiray

vย ย ย ย xaadhintii madaarada

vย ย ย ย xoolahaan ka celiyaa

vย ย ย ย dhagaxaan ka xaadhaa

vย ย ย ย geedkii xad dhaafee

vย ย ย ย xuduudkooda soo gala

vย ย ย ย gudunbaan ku xiiraa

vย ย ย ย xididkaan u siibaa

qurba joogย ย ย wasaarada duulista iyo hawda mududii ay jirtayba waxay dhaafi laadahay madaarada dhagaxaan ka xaadhaa iyo xoolahaan kacelinaa waxyna leedahayย ย goormaa lagaadhi ee madaarada dayr loo samayn ama silig lagu xidhi oo xayndaab looga dhigi xam xamta dadwaynuhu waxay leedahay sida tixdani timaamayso

vย ย ย ย xam xamtii dadwaynuhu

vย ย ย ย xaqiiday ka hadashee

vย ย ย ย xaadhintii madaarada

vย ย ย ย xayndaabka dayrkiyo

vย ย ย ย adoosilig ku xidhikara

vย ย ย ย xaajadii wax qabadkee

vย ย ย ย lagu xusay warbaahinta

vย ย ย ย xayaysiis ma noqotoo

vย ย ย ย iyo xeel dad lagu siro

Qalinkii: Sacad Maxamuud Gadhle

Email.qodaaljoog1@gmail.com

TELLย ย .4669910