Xukuumadda Somaliland oo Xayiraad saartay Idaacadda BBC

0

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa hakisay wadashaqayntii idaacada BBC Somali, kadib markii ay ku eedaysay in ay meel kaga dhacday qaranimada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo warbaahinta la hadlay, ayaa idaacada ku eedeeyay in ay lumisay dhexdhexaadnimadii wararka, isla markaana ay meel hoose dhigtay qaranimada Somaliland.

“Markii magicii umada Somaliland meel adag oo aan la qaadan karin ay dhigtay hay’adda BBC-da ee laanta Afka Soomaaligu, markay lumisay dhexdhexaadnimadii ay u haysay umada Afka Soomaaliga ku hadasha, markii ay ka hor timid qaranimadii J.Somaliland, laga bilaabo maanta waxan go’aamiyay in dhamaan wixii shaqo ah ee BBC-du Somaliland ka haysay la joojiyo” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiirku waxa uu sheegay in BBC Somali, ay iska indha tirtay jiritaanka Somaliland, isla markaana dadka reer Somaliland ay cabasho ka muujiyeen dhaqanka BBC-da oo uu sheegay in uu is badalay taasina ay keentay in ay gabi ahaanba joojiyaan howlhii Idaacadu ay ka haysay guddaha Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa sannadihii lasoo dhaafay sidan oo kale shaqo joojin ugu samaysay idaacadda VOA Somali, Universal iyo qaar kale, kuwaas oo ay ku eedeeysay in ay ku xadgudbeen qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, iyadoo markii danbe laga heshiiyay oo dib loo fasaxay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net