Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha Guddiga Covid-19, ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aamo ay guddigu soo saareen shalay kaas oo ay ku xaddideen isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee gobollada dalka si looga hortago faafitaanka xannuunka.
Guddida heer qaran Covid-19, ayaa shalay shaaciyey goโaamo lagu xakamaynayo dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo isu-socodka gaadiidka ee gobollada dalka inta lagu gudo-jiro maalmaha dabbaal-degga Ciidal-fidriga si looga hortago faafitaanka caabuqa Coronavirus.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la hadlay warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inaanay jirin isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee gobollada, balse la oggol yahay in isu-socodku ku kooban yahay degmooyinka gobolku ka kooban yahay, isagoo taas ku sababeeyey in jiraan gobollo dalka ka mid ah oo uu ku badan yahay Xannuunka Covid-19.
Muuqaalkan hoose waxaanu idiinku soo gudbinaynaa hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net