โWasaarad ahaan waxaaannu qabnaa hawshan oo muddo 40 sano ka badan laga soo hadlayay maalinba meel ay joogtoyba, in hadda la soo gaadhay xilligii xal waara loo heli lahaaโฆโ Wasiirka Diinta iyo Awqaaft Somaliland
Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Dariiqyo cusub oo ay sheegtay inay gacanta ku hayso oo lagu joojin karo Gudniinka Fircooniga ah, isla markaana ka duwan kuwii hore ee loo mari jiray Wacyigelinta Fircooniga.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey Munaasibad uu ka qaybgalay oo loo sameeyey Xuska maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo sannad kasta lixda bisha febraayo la qabto, balse Hargeysa lagu qabtay sagaalka febraayo oo Axadda ku beegnayd, waxa uu Wasiirku ku sheegay inay gacanta ku hayaan 1320 Maddarasadood, Macallimiinta Dhigta iyo 1470 Masaajid iyo Culimadooda, sidaa awgeedna waxa uu tilmaamay inay goobaha Waxbarashada Diiniga ah iyo Ta Maaddiga ah iyo goobaha Cibaadada ee Masaajiddada laga samayn karo Wacyigelinta ugu muhiimsan, si looga gudbo caqabadaha muddada dheer soo jirtay ee uu Fircoonigu ku hayo Haweenka Somaliland.
Wasiir Khaliil waxa uu ka warramay tallaabooyin wax lagaga qabanayo Dhibta Gudniinka Gabdha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn ee ay labadii sano ee u dambeeyey qaadday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Kaashanaysa dhinacyo kala duwan iyo faaโiidada ka dhalatay illaa hadda. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sharraxaya Xukunka Diiniga ah ee Cidda samaysa Fircooniga, Jidadka cusub ee ay doonayaan in wax lagaga qabto dhibaatadiisa, haddii wacyigelinta qorshaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta la waafajiyo, waxaanu Baaq u jeediyey Macallimiinta, Culimada iyo Warbaahinta.
Khudbadda uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ka jeediyey Munaasibadda Xuska Maalinta Gudniinka Fircooniga ah ee lagu qabtay Hargeysa, waxay u dhignayd sidatan:-
โMudanayaal iyo Marwooyin; Salaan ka bacdi anigoo kuhadlaya magaca wasaarada diinta iyo Awqaafta waxay ii tahay sharaf in aan idinkala soo qayb galo Xaflada 6da Febuaryo taas oo loo asteeyay maalinta la dagaalanka dhibaatooyinka gudniinka ee guudahaan caalamka taas oo ay Somalilandna qayb ka tahay.
Sida aad la wada socotaan Wasaarada diinta iyo Awqaaftu waxan 2 sano ka hor kulankan oo kaleย ย soosaarnay FATWO la xidhiidha sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka gudniinka loona soo saari lahaa shuruuc la xidhiidha arinkan balse waxaa Fatwadaas kasooย ย baxay aragtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen in daneeyayaasha barnaamijkani codsadeen in lagu noqdo wax ka badal iyo faahfaahina lagu sameeyo.
Haddaba,iyadoo arinkaasi laga duulayo Wasaaradu waxa ay qabatay kulamo is dabaJoog ah kuwaas oo korloogu qaadayo aqoonta culimada ee dhanka caafimaadka iyo sidii loo midayn lahaa korna loogu qaadi lahaa doorka culimadaย ย guudahaan dalka. Waxa kale oo ay Wasaaradu soo saartay barnaamijyo lagaga hadlayo arinkan iyo dhibaatooyinkiisa. Ugu danbayn dabayaaqadii Sannadkii tagay 2019 Wasaaradda diinta iyo Awqaafta oo kaashanaysa Hayada UNFPA waxay la tashibadan ka dib ku dhawaaqday Guddi culimo ah oo kakooban 9 xubnood kuwaasoo dhamaan ay kujiraan gobalada dalku. Ujeedada gudidani waxay ahayd sidii loo heli lahaa gudi kasoo tala bixisa hogaamisana hanaanka Wacyigelineed ee la dagaalanka dhibaatoyinka gudniinka, shuruucda la xidhiidha iyo dhamaan arimaha bulshada ee noocan ah. Wasaaraddu, waxa ay gacansiisay islamarkaana si dhow ula shaqaysay guudahaan Wasaaradaha iyo hayโadaha ku hawlan joojintaย ย FGMka.
Walaallayaal, Wasaarad ahaan waxaaannu qabnaa hawshan oo muddo 40 sano ka badan laga soo hadlayay maalinba meel ay joogtoyba, waxa la soo gaadhay sidii xalwaara looguย ย heli lahaa.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyoย ย guddida culimada ee dhawaan aanu magacawnay ee ka shaqayn doontaย ย ka talinta sida ugu haboon ee dhinaca diinta ee lagu joojijinayo dhibaatada guud ahaan gudniinka Fircooniga.ย ย waxa ay culimadu dhawaan billaabi doonaan kulamo joogta ah oo ay la yeelanayaan dhammaanย daneenayaasha arrintan FGM-ka, Waxa aan rajaynayaa in haddii Hayโadaha Dawladda, Hayโadaha caalamiga, kuwa maxalliga ah iyo Guddiga Culimada ee Wasaaradda dhammaan la is kaashado in xal waara laga gaadhi karo, isla markaana aynu soo afjari karno barjaamijkan haddii Alla yidhaahdo. Waxaaan rabaa in aan hoosta kaย ย xarriiqo in siyaasaddaย ย iyo xeerka khuseeya FGM-ka in aanu ka maarmaynin in loo eego Shareecadeenna suubban, arrintaasina waxa u igman Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxa aan bogaadinayaa oo aan u ducaynayaa Wasaaradda Shaqogelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo innoo soo diyaarisay Xafladdan Xuska maalinta Caalamiga ah cidhib tirka Gudniinka Fircooniga ee hablahaย ย iyo cidkasta oo ka qayb qaadatayย ย sidii looga ilaalin lahaa hablaheenna karaamadaย ย leh dhib kasta oo uga iman lahaydย ย bulshada inteeda kale.ย ย Waxa aan sidoo kale halkan uga mahad naqayaa dhakhaatiirteennaย ย meelkasta oo ay joogaanย ย sida ay mar kasta bulshadeenna uga wacyigeliyaanย ย dhibaatada baahsan ee uu ku hayoย ย gudniinka fircoonigu.
Waxa aan u arkaa marka laga hadlayo wacyigelinta in Wasaaradda Diintu tahay midda ugu horreysa, waayo? Waxa aannuย ย xidhiidh dhaw la leennahay guudahaan Jaamacadaha dalka iyoย ย Dugsiyada wax barashada. Waxa aanuย ย si toos ah u maamulnaa oo aanu gacanta ku haynaa oo noo Diiwaan gashanย ย in kabadan, 1320 Malcamadood,ย ย iyo 1470 Masaajid. Guud ahaan ardayda Malcaamadahaasiย ย dhigataa waxa ay kor u dhaafayaan 370,000 arday,ย ย Wiilal iyo Hablo intaba. Tiradaasi guud ee aan sheegay habluhu waxa ay kayihiin 44%. Wiilashuna 56%ย ย Sidoo kale macallimiinta dhigta Qurโaanka, Imaamyadaย ย Masaajidda, iyo Mudaโidiintaย ย oo marka la isku daro kummanaan ah haddii ay wacyigelinta aynu doonaynoย ย si toos ah u galaan iyaga oo fulinaya amarka Wasaaradda, waad dareemi kartaaย ย xaddiga ay leedahay iyo Midhaha lagaย ย filan karo.
Ugudambayntii, Wasaarad ahaan waxa aanu soo dhoweynaynaa cidkasta oo ka shaqaynaysa badbaadada ubadkeennaย ย gaar ahaan hablaheenna. Waxa aan ballan qaadaynaaย ย in aanu ka ciyaaridoonno doorkaย ย laxaadka leh ee nagaga began arrintan , taasoo ay ugu horreyso sidii umadda looga wacyigelin lahaa Dhibaatooyinka Gudniinkan Fircooniga ee xaaraanta ah. Alla mahadleh.โ Sidaa ayuu Wasiir Khaliif ku yidhi Khudbaddiisa.
Inkasta oo Wacyigelinta Joojinta Gudniinka Fircooniga ah intii ay Somaliland Jirtayba Dalka Ka Socotay, haddana weli laguma guulaysan cidhib-tirkiisa. Hase-yeeshee, hadda waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland soo bandhigto qorshayaashan cusub ee ka duwan jidadkii hore ee loo mari jiray wax ka qabashada dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn.