Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay duqeynta Arxan-darrada ah ee Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan Shacabka reer Falastiin, waxaanay ku baaqday inay Israaโiil si deg-deg u joojiso gumaadka ay ku hayso shacabka Gaza isla markaana u hoggaansanto dedaallada xabbad-joojinta ah ee beesha caalamku ku hawlan tahay.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan iyo Shacabka Somaliland-ba taageero la bar-bar taagan yihiin shacabka aan hubaysnayn ee gumaadku ku socdo, isla markaana isaga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu baaqayaan dawladda Israel inay joojiyo xasuuqa Shacabka Falastiin una hoggaansato baaqa beesha Caalamka.
โSomaliland aad bay uga xun tahay xasuuqa Yuhuudu u geysanayso shacabka aan hubaysnayn ee muslimiinta Falastiin, waxaanan u soo jeedinaynaa inay deg-deg u joojiyaan duqeynta ay ka wadaan Qaza, una hogaansamaan dedaalada xabad-joojineed ee beesha caalamku ka wado,โ ayuu yidhi Maxamed Biixi oo u warramay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.
Mudane Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland taageero iyo ducoba la barbar taagan tahay shacabka Falastiin ee Israel xasuuqa ku hayso.
โWaanu ka xunahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay shacabka aan hubaysnayn, taageeradayaduna waa inaan la barbar taagan nahay ducada,โ ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.
SOMALILANDPOST.NET