Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Sababta loo Joojiyey Duulimaadyada AirArabia iyo FlyDubai

0

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta ay Somaliland uga shaqayn waayeen Shirkadaha diyaaradaha ee Air Arabia iyo Fly Dubai.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo marti ku ahaa Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababta ay diyaaradahaasi loogu ogolaan waayay inay ka shaqeeyaan Madaarka Hargeysa ee Somaliland tahay inay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Dawladda Somaliland.

Wasiirka oo ka jawaabayey Suโ€™aal uu arrintaa ka waydiiyey Muwaadin ka mid ah Dadkii barnaamijkaa ka qayb-galay, ayaa yidhi โ€œInta aan Anigu ogahay, diyaaradahaasi Air Arabia, Fly Dubai waxa yaalla oo Dawladda Somaliland ka doonaysaa inay la gasho heshiis, laakiin Shirkadahaasina waxay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Somalilandโ€.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net