Hargeysa, 08 March 2012 (SLpost)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay raashin la sheegay in la musuqmaasuqay, kaasi oo ku jiray bakhaaro ka mid ah kuwa magaaladda hargeysa.
Wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md Cabdirisaaq Cali Cismaan oo warbaahinta kula hadleyey barxadda wasaaradda dib-u-dejinta oo waqtiga ay ku sugaaneeyn lix gaadhi oo lagu daad guraynayey raashinka hool weyn oo lagu talo-galay in raashinka la dhigo.
Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Cabdirisaaq Cali, waxa uu sheegay in ay wasaaraddiisu ay goโaan ku gaadhay in raashinka aan la garanaynay cida keentay iyo cida soo musuqmaasuqday lagu dajiyo hoolka wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland waxaanu isaga oo faahfaahin ka bixinaya yidhi, โMa qabo qof masuul ah raashinka bakhaarku rogi ma qabee, baabuurtii ka dambaysay ayuunbaanu qabanay. Kolay taliyihii ciidanka bileyska askartii u watay waxay ii sheegeen labadan gaadhi maahe afar kale ayaa dambeeya.โSidaa ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan
Wasiirku waxa uu hadalkiisii sii raaciyey โRuntii hayโadda mucaawinooyinka madaxtooyadda ayaa qaabilsanayd ooย runtii wasaaraddu xaq bay u lahayd oo qoladaas ayaa maamulaysay oo hadda ayaa noogu horeysa raashin noo soo badhaydha oo aanu siino dadka barakacayaasha ah ama qorshe kale oo aanu ugu talo-galay ha ku baxee haddaa noo kow ah.โ
somalilandpost.net
Khadar Jaamac
Hargeysa, Somaliland