Hargeysa (SLpost)- Waxa beryahan dambe isa soo taraya dembiyo dhawr ah oo ka dhacay dugsiga Abaarso Tech hase yeeshee ay xukuumadda Somaliland iska indha tirtay waxbana aanay ka qaban.

Waxa isa soo taraya caddeymo dhawr ah oo tilmaamaya inay maclamiinta dugsigaa joogaa ku beereen dugsigaa dhirta XASHIISHADDA kuna isticmaali jireen dugusga dhexdiisa. Dhirtaas oo dhawaan la gubay waxay xukuumadda Somaliland ka dhego adeegtay in baadhitaan lagu sameeyo iyada oo la hordhigay caddeemo dhawr ah oo tilmaamaya inay arrimahaasi wada dhab yihin una baahan yihiin baadhitaan. Macalin ka mid ah macalimiintii dugsiga kal hore wax ka dhigi jiray oo isna ajnebi ah ayaa hadalkan dawaan qoray:
“Haddaanu ahayn macalimiintii cusbayd meesha waxaanu ugu nimid dhaqan daroogo oo adag (DRUG CULTURE), waxanay nagu ahayd arrin dareen xun iyo baqdin ba leh”
Xukuumadda Somaliland waxa laga codsaday inay baadhitaan arrintaa ku sameeso weliba intuu raadku sii jiray, hase yeeshee far looma qaadin.
Arrinta daroogada ka sokow, waxa halkan ku lifaaqan page Facebook oo macalinka ka madaxda ah macalimiinta dugsiga Abaarso uu kula haasaawoyo inan ardayda. Macalinkaasi hasaawaha waxa uu ku daray arrimo diinta iyo dhaqanka ka fog isaga oo ku dhiirinaya gabadhaas inay xijaabka dhigto oo ay isticmaasho maskaxdeeda. Sheekada oo sidan u dhacday waxay ka muuqata boggaas oo halkan ku lifaaqan”
Adayda magacayda waanu qarinnay laakiin macalinku wuxuu ahaa Stephen (ama Stefan) madaxa maclimiinta. Mana aha NIN DA’YAR oo khibrad la’aani u gaysay ee waa nin konton jir sare u dhaafay.

Stefan: Aad bay u tahy wax xun (shame) inaad had iyo jeer masar xidhnaato
——: maaha wax xun waa dhaqankayaga
Stefan: Okay bay ahaan lahayd haddii aad ikhtiyaarkaaga ku xidhato masarka laakiin maaha in lagugu khasbo oo aad u xidhato cidbaa kugu tidhi, waa wax aad u khaldan. Nasiib darradadu waxy tahay inaanad weligaa fahmayn waxay tahay xoriyaddu, xoriyadda ikhtiyaarka. Waxaad isu haysataa inaad xoriyad haysato, laakiin ma lehid xoriyad.
—–: Ciddinna naguma khasabin ee Diintayada ayaa na faraysa sidaa daraadeedna waa inaanu raacno diintayada
Stefan: Markaa waxaad leedahay cid ama wax baa nagu khasbaya. Maaha muhiim waxa ku khasbayaa. Waxaad leedahay maskax, waa la gaadhay markii aad isticmaali lahayd maskaxdaada.
—–: Bal halkaa ku jooji, ciddina nagu khasbi mayso, waa diintayada, cid walibana diinbay leedahay, tani waa diintayada, Stefan.
Haddii ay sheekadanni dhexmari lahayd macalin iyo inan ardayad ah Maraykan dhexdiisa, isla saacadda la ogaado ayaa shaqada isaga iyo ciddii ku aamintay ardayba shaqada laga fadhiisin lahaa. Inay ardayd iyo macalin islaba gaadhaan meelay ardayaddu ugu yeedho macalin magaciisa kowaad iska da wax kaleba eh marna meesha kumaba jirto.
Maamulaha Dugsigaas oo isla shalay ka soo noqday dibedda oo Boliska Madaarka Berbera ku xidheen isaga oon sidan Fiisada dal ku galka Somaliland, ayaa si deg deg ah loogu soo daayey markii amar ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha.
SOMALILANDPOST.NET