Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa goโaamo adag kasoo saartay colaad u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah oo kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag iyo dhibaatada kusoo korodhay dadweynaha deegaankaas ku dhaqan.
Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay, ayaa digniin culus u diray bulshada ku dhaqan deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in haatan wixii ka dambeeyaย xukuumaddu gudan doonto waajibka ka saaran ilaalinta nabadda iyo badqabka nafaha iyo maalka shacabka.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa shaaca ka qaaday xukuumaddu goโaan ku gaadhay inay gudato waajibka ka saaran nabadda, waxana uu yidhi, โWaxan halkan kasoo jeedinaynaa goโaan dawladeed oo ah colaaddaas maanta Fadhi-gaab kasoo cusboonaatay waxa lagu gelayaa cudud dawladeed, masuuliyadda nabaddana xukuumaddaa qaadaysa, cid Allah iyo ciddii wax ka taraysaana haku taageerto xukuumadda dedaalkeeda, laakiin maanta cid kale oo loo dirayo oo aan xukuumadda ahayni ma jirto, haddii ay wasiirro tahay, haddii ay ciidan tahay iyoย xubno kale tahayba waxa nabaddaas tuurta u ridanaya xukuumadda, taas ayaanu cid kasta ku wargelinaynaa.โ
Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaaย dhibaatada iyo colaadaha kusoo noqnoqda deegaanna ku hareeraysan Ceel-Afweyn ku tilmaamay boog ku taalla Somaliland oo aan loo dulqaadan Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxana uu yidhi, โMarkii taladii la rogrogay Aaggaas Ceel-afweyn, iyo darar-weyne iyo Fadhi-gaab iyo inihii wax ka dhacayeen wixii dhawrkii sano ee ugu dambeeyey ka dhacayey waxa ay ku noqotay boog ku taalla Somaliland, waxana ay qarankan ku noqotay dibin-daabyo, dhimasho, magac-xumo iyo khasaare naf iyo maalba ah oo maalin walba taagan.โ
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray in xalka kaliya ee xukuumaddu arrintaas u haysaa tahay inay gacan adag ku qabato oo ay tallaabo ka qaato cid kasta oo colaaddaas hurinteeda lagu tuhmo, โQaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, haddii ay goleyaasha qaranka tahay, haddii ay waxgaradka tahaya, haddii ay culimaaโudiinkii hore u galay tahay iyo haddii ay shacabka wanaagga jecel tahay waxaanu idin deeqsiinaynaa xukuumadda in la isku barbar istaago oo aan xal kale loo haynin,โ ayuu yidhi wasiir Siciid Sulub Maxamed.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net