Xukuumadda Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya u gudbisay Dawladda Kenya

0

[H]argeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caawa Dhambaal Tacsi ah u dirtay dawladda iyo Shacbiga dalka Kenya oo ay ka tacsiyadeysay geeridda Wasiirkii Amniga Kenyaย George Saitotiiyo Ku xigeenkiisiย Orwa Ojode, oo labaduba shalay ku dhintay shil-diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caawaย ย u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka tiiraanyaysan tahay geerida Wasiirkii Amniga Kenya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhiย โ€œAnigoo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland waxaanu ka tiiraanyaysan nahayย ย geeriddaย ย Wasiirkii Amniga Kenyaย George Saitotiย iyo Ku xigeenkiisiย Orwa Ojodeย ooย ย maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.โ€

ย โ€œXukuumadda Somaliland waxay dhambaal Tacsi ah u diraysaa dawladda iyo shacbiga Kenya, waxaanu Wasiirka amniga ee geeriyooday ka mid ahaa saaxiibadda Somaliland. Isagoo hore u ahaa Madaxweyne Ku xigeen, isla markaana muddo ku sime ka ahaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo aanu shirar badan iskugu nimid oo aanu wada shaqaynay,โ€ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Wasiirka Khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi โ€œWaxaanu dawladda Kenya u gudbinaynaa inaanu la qeybsanayno tiiraanyadda wasiirkoodii amniga iyo Wasiir Ku xigeenkiisii.โ€

George Saitotiย wuxuu ahaa 66 jir, waxaanuย ย ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan dalka Kenya, iyadoo lagu waday inuu isu soo sharixi doono dhawaan madaxweynaha dalkaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net