Xukuumadda Somaliland oo Amartay in Masaajiddada la Xidho, Ajaanibka Sharci-darrada ku joogaana dalka ka baxaan

0

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida Qaran Ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo 4 todobaad ah la xidho isla markaana aan laysugu iman karin Masaajidada, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay ku tukadaan Guryahooda iyo goobahooda ganacsi.

Guddiga oo maanta soo saaray goโ€™aamo ka kooban 10 qodob oo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka, waxa ay ugu baaqeen dadka Dadka Ajaanibka ah ee sharci-darrada ku jooga dalka inay muddo 5 maalmood gudahooda ah kaga baxaan dalka.

โ€œGuddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan โ€˜In Shareecadeenna suubban av u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xagiijiyo daruufo adag, sida xanuunada faafa iwmโ€™ iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Muadiniinta Masoajidada waxa Ia farayaa in ay Eedaanka solaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii Rixaalikum),โ€ ย Sidaas ayay guddigu ku sheegeen war-saxaafadeedkooda.

Waxa kale oo goโ€™aamada Guddiga lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka April oo ku beegan Arbaca todobaadkan ay dalka isaga baxaan Dadka Ajaanibka ah ee aan sifo sharci ah ku joogin gudaha Somaliland. ย โ€œDhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa In ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah Oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.โ€ Sidaas ayay guddigu sheegeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net