Xukuumadda Somaliland oo Albaabada u laabtay Xarunta Telefishanka Universal ee magaalada Hargeysa

0

Hargeysa(SLpost) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka Caalamiga ah ee UNIVERSAL oo uu sheegay in uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmaed Maxaamuud (Siillaanyo)ย  uu ka sameyey sawir film kartoon ah oo uu tilmaamay in uu qaranimada Somaliland meel kaga dhacayey iyo karaamada madaxweynaha.

cukuseWasiirku waxa uu sheegay in goโ€™aan ay ku gaadheen in ay xayiraanย  Telefeshinka Universal tan iyo inta ay raali gallin ka bixinayaan Gefka ay kula kaceen qaranimada iyo karaamada madaxweynaha.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaaraaโ€™id oo uu Maanta ku qabtayXafiiskiisa wasarada warfaafinta.

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in saxaafada looga bahan yahay in ay iska jiraan wixii anshax Saxaafada ka hor imanaya, karaamada Masuuliyiinta qaranka bahdilaya.

Xayiraadan la saaray Telefeshinka Universal ayaa ka danbeysay kadib markii uu teleshinkaasi Habeen hore siidayey Barnaamij taxane ah ooย  Tvigaasi ka bax oo la yidhado Faaliyihii Qaranka waana barnaamij qosol ah oo loogu tallo galay bulshada Somalida, waxanaย  maalinba lagu gorfeeya madaxweyne ka mid ah madaxweynaaasha geeska Afrika gaar ahaanย  kuwa somalida, balse xukumada Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay barnaamijaasi oo lagu soo qaatay Madaxweyne Siillaanyo oo Wajigiisa oo sameysย  tiivigu laga wareeystay iyada oo suโ€™aalo lagu waydiiyey.

Maaha Markii ugu horeysay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay xidho warbaahinta Madaxbaan, waxaanay hore u xidhay Wargeyska Hubaal, iyada oo horena ay ururada Saxaafad a Somaliland u sheegen in saddexdii sanno ee ay jirta xukuumada Siilaanyo ay xidhay tiradii ug badnayd ee wariyeyaal lagu xidho Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET