Hargeysa (SLpost) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa ay maanta golaha wakiilada u soo gudbisay xeerar maaliyaddeed dhawr ah oo in badan loo cadilnaa lana sugayey.
Xeerarkanย ย ayaan wali golaha wakiilada la hor la keenin waxaana la sugaayey in golaha la keeno ilaa markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Alle ha U naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Xoghayha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo arintaasi warbaahinta u cadeeyey ayaa waxaa uu yidhi โWaxaa maanta golaha wakiilada la keenay xeerar in badan la sugaayey ilaa markii uu dalka xukumi jiray Madaxweyne Cigaal”.
Xeerararka ay Xukuumaddu u soo gudbisay Golaha Wakiilada waxa ka mid ah.
- Xeerka Kastammada
- Xeerka Qandaraasyada
- Xeerka Cashuuraha
- Xeerka Hanti Dhawraha Guud
- Xeerka Ilaalinta Maaliyada Iyo Xisabaadka.