Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed

0

Waxa maanta gelinkii hore xabsiga loo taxaabay Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ka mid ah haldoorka magaalada Hargeysa.

Mujaahid Iid Jiciir oo subaxnimadii Khamiista looga yeedhay taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxa xadhiggiisa lala xidhiidhinayaa hadal uu xalay warbaahinta u mariyey taageerayaasha xukuumadda madaxweyne Cirro oo si aan kala-hadh ahayn ugu jawaabay Mujaahid Cabdilaahi Iimaan Darawal oo dhaliilo u jeediyey xukuumadda Xisbiga Waddani.

“Mujaahid Iid waxa saaka taliska uga yeedhay mid ka mid ah hoggaannada ciidanka, markii uu iska xaadiriyey taliska, waxa uu u tagay sarkaalkii u yeedhay. Isagoo la jooga sarkaalkii u yeedhay, waxa u soo galay Hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Ibraahim oo mar qudha yidhi hala xidho ninkan, wuxuu wadaa kicin dadweyne.” Sidaa waxa warbaahinta u sheegy mid ka mid ah ehellada Mujaahid Iid Jiciir.

Hadalka Mujaahid Iid Jiciir Warbaahinta ka jeediyey xalay, waxa uu ku tilmaamay sida aanay u haboonayn in dowladnimada reernimo lagu difaaco maadaama madaxweynuhu yahay siyaasi bulsho kala duwan soo dooratay, isagoo hab-dhaqankaas ku tilmaamay mid ceeb iyo fadeexad ku ah madaxweynaha talada dalka haya.

Mujaahid Iid Jiciir oo ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, lama oga in xadhiggiisu la xidhiidho hadalka uu xalay warbaahinta mariyey iyo in kale.

Xadhigga Mujaahid Iid Jiciir ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland ku jirto xaalad laga deyriyey ilaalinta Xorriyatul-Qawlka iyo xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu si hufan aragtidiisa u soo bandhigo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA HADALKII XALAY EE MUJAAHID IID JICIIR