Xukuumadda Oo Warbaahinta Ku Bogaadisay Doorkii ay ka qaateen Xuskii 22-guurada Maalinta Qaranimada Somaliland

0

agaasimaha guud ee WarfaafintaHargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa saxaafadda dalka iyo ta caalamiga ahba ku bogaadiyay sidii ay u weyneeyeen munaasibadii 22-guurada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray oo u dhignaa sidan: โ€œWasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay dhammaan bahda Saxaafadda Maxaligaย  uga mahad celinaysaa kaalintii Tognaydย  iyo Hanaankii Hufnaaย  ee ay u tabisay Munaasibadiiย  22 guuraddiiย  ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May oo shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay u damaashaadayeen maalmihii la soo dhaafay.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku bogaadinaysaaย  warbaahinta dalka qeybaheeda kala duwan sida Idaacada, Telefishanada SLNTV, Horn Cable TV,Somaliland Space Chanal, Bulsho TV, Wargeysyadda iyo Mareegaha Internet-ka sidaย  xilkasnimada ah ee ay u weyneeyeen munaasibadihii 22 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland, waxaanay qaateen doorkii iyo kaalintii laga filayay ee waddanimo iyo dal jacayl dhab ah.

Sidaas si la mid ah waxaanu ammaanaynaa sida Warbaahinta caalamiga ahi ay uga qeyb qaadatay munaasibaddii 18-ka May. Waxa si weyn quluubta qaranka Somaliland soo jiitay warbixinihii Telefishanka caalamiga ah ee AL-JAZIIRA sii daayayย  ooย  uu si qoto-dheer ugaga taariikheeyay munaasibadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay.

Waxa kale oo iyana aan u mahad celinayaaย  Telefishanadda UNIVERSAL toos u baahinayay xafladihii lagu xusayay 22-guurada madax-banaanida Somaliland iyo Somali Chanal oo barnaamij dheer oo qiimo leh ka sameeyay munaasibadan. waxaanay si mug leh caalamka ugu bandhigeen jawigii ay u dhaceen xafladihii dabaal-dega qaranka Somaliland.

Waxaanu wasaarad ahaan shacbiga iyo qaranka Somaliland sanadkan sanadkiisa kale ILAAHAYย  ka baryaynaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.โ€

SOMALILANDPOST.NET