Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaarada din u dajinta Somaliland Md Cali Maxamed Cabdalle (Cali-biikalo), ayaa maanta sheegay in ay Wasaaradiisa u diiwaangashan yihiin qiyaas dhan 85,000 oo barakacayaal dalka gudihiisa ah.
Agaasimhu wuxuu sheegay in arintanย ayย sababtahay xaalufka iyo dabargoynta dhirta ama seerayaasha sharci-darrada ah ee ka dhacda deegaannada Xoolo dhaqatadaย arrintas oo keentay in xooluhu ka dabar goโaan qoysas badan islamarkaasna ay ku soo barakaceen magaalooyinka waa wayn ee Hargeisa iyo Burco .
Waxa kale oo uu intaasi ku daray agaasimaha wasaarada dib u dajinta jsl mudane cali biikalo in ay jiraan 35 qof oo qaxoontiya oo ka soo laabtay waddamada dibada sida waddamada Scandenivian-ka kadib markii ay ka waayeen sharcigii ay goโaansadeen inay ku soo laabtaan waddankoodii .
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dajinta Somaliland waxa uu ku booriyey dadwaynaha reer Somaliland inay ka feejignaadaan Xaalufinta Deegaanka iyo Shidista Dhirta qoyan oo uu ku sababeeyey baro-kaca Soo badanaya.
SOMALILANDPOST.NET