Xukuumadda oo Sabab aan Caddeyn ula ula Wareegtay Hotel Hargeysa Club oo Laba Muwaadin lagaga Kireeyey Heshiis 30 Sanno ah

0

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu la gashay heshiis muddo 30 sanno ah lagaga kireeyey.

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ah labada Muwaadin ee Maalgeshiga ku sameeyey isla markaana dib-u-dhiska ku sameynayey Hotelka oo xilligan dhammaad ku dhow.

Ciidammo Boolis ah ayaa xilli dambe ee xalay ahayd la wareegay Kaamboolka dhismaha uu Hoteelku ku yaallo.

Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

Xukuumaddii Daahir Riyaale, ayaa hore heshiis muwaadiniinta lagu wareejiyey u gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Muuse Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.

Haseyeeshee, wali ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo sida la sheegay Suldaan Siciid uu ka qayb ka yahay wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsan oo hawlo nabadayn ah u jooga gobolka Sanaag xilligan.

Warqad ka soo baxday Wasiirka Hawlaha guud, ayaa lagu caddeeyay in Xukuumaddu la wareegtay Huteelka Hargeysa Club.