Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Cusub Oo Ay Ku Kala Saarayso Ajaanibka Dalka Jooga

0

Hargeisa, (SLP)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay qorsheynayaan in la diiwaan-geliyo ย dadka ajanabiga ah ee ka dhex shaqeeya dalka ee haysta sharciyad ay waddanka ku sii joogaan, si ay u hubiso inta sifo sharci ah wadanka ku soo gashay.ย News

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka ย Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Dr. Cabdi Aw-daahir Cali, oo maanta Hargeysa ka furay shir lagu falan-qeynayay sidii mustaqbalka dhow dalka qorshe loogu samayn lahaa dadka ajinabiga ah ee dalka ku soo galay dal ku gal sharci ah. Waxaana shirkaasi ka soo qeyb galayย  Masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha ย Daakhiliga, ย Qorshaynta qaranka, Ganacsiga iyo ย Laanta Socdaalka Somaliland.

Shirkaas waxa lagu lafo-guray ย sidii looga fikiri lahaa in shaqo abuur loo sameeyo bulshadda iyo in laย  xidido shaqaalaha ajanabiga ah ee dalka dibadiisa laga soo waarido.

โ€œKulankan ujeeddada ugu weyn waxay ahayd arrimaha shaqo abuurka oo dadka iyo dalka aad ugu mihiim ah, ย gaar ahaan arrimaha saameeya in shaqadii dalka in dad ajaanib ah ay si sharci darro ah u hayaan, dadkeeniina ay shaqo laโ€™aani ay hayso. ย iyadoo arina shaqo abuurku aad iyo aad muhiim u yahay ayaa maanta halkan iskugu nimid, iyada oo qoddobkan uu ahaa qoddob golaha wasiirradu laysku ย faray, waanu is wareysanay si fiican baanu macluumaadka isku waydaarsanay.

Waxaanย  u ย mahad naqayaa laanta socdaalkaย  oo warbixin aad u muhiim ah naga siisay sida uu ajaanibku dalka ugu soo qul-qulayaan oo iyaga oo aan sharci haysan dalkii ka shaqaynaya,โ€ayuu yidhi Wasiirka Shaqadda Dr. Cabdi Aw Daahir.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office