“Xukuumadda Muuse Biixi way farogelin ku haysaa taladii iyo midnimadii Beesha” – Wax-garadka beesha Galbeedka Burco

0

Hargeysa (slpst)- Wax-garad, odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo maanta kulan ku yeeshay magaaladaas, ayaa ku eedeyey madaxweynaha somaliland Muuse biixi inuu faro-gelin ku hayo beeshooda isla markaana uu kala-qaybin iyo qoqob ku hayo.

odayaashani waxayย ugu baaqeen xukuumada madaxweyne muuse biixi inay ka dayso farogelinta ay ku kala qaybsinayso beesha.