Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Digniin u jeedisay Xisbiyada Mucaaradka ah

0

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Digniin u jeedisay Xisbiyada Mucaaradka ahHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u jeedisay Siyaasiiyiin Xisbiyada Mucaaradka ee dalka oo ay ku eedaysay inay sifo khaldan oo waxyeello u geysanaysa Isku-xidhnaanta shacabka iyo nabadgelyada dalka uga faaโ€™idaystaan dhacdooyinka saamaynta ku leh masiirka umadda ee ka dhaca shacabka dhexdiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu xisbiyada mucaaradka ah uga digay inay dhaliilo masuuliyaddeeda ay xukuumadda saaraan uga faaโ€™idaystaan dhacdooyinka ka dhasha tabashooyinka beelaha, taas oo uu tilmaamay inay ka-hadalkeeda u maraan sifo nidaamka siyaasiga ah baalmarsan oo xasilooni-darro ka abuuri karta dalka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA