Hargeysa(SLpost)- Nuxurka shir jaraaโid oo ka soo baxay kulan ay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye maanta isugu yimaadeen xarunta madaxtooyada JSL ayaa lagu sheegay in aanay jirin heshiis ay xukuumaddu cid la gashay oo ay u soo gudbisay golaha wakiilada. Waxa kale oo lagu sheegay shirkaa jaraaโid in arintaa wali xukuumaddu gacanta ku hayso oo ay ka baaraan degayso.
โArintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda.ย ย Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya ha sugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya.
Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedinย maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeedโ ayaa lagu yidhi shirkaa jaraaโid ee ay soo wada saareen xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye.