Somali News Xukumada Somaliland oo ku dhawaaqday Todobaadka Cuntada iyo Biyaha ee Somaliland By ht - February 22, 2014 0 FacebookTwitterPinterestWhatsAppTelegram Hargeysa(SLpost) Wasiirada wasarada Qorshaynta , Kaluumiysiga, Beeraha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Deeganka iyo Horumarinta reermiyiga oo ay waheliso hayada ka hortaga masiibooyinka dabiciga ah ee loo yaqaan (NRD) ayaa maanta kulan balaadhan ku yeeshay wasarada qorshaynta qaranka iyo Horumarnta ayaa kulankaasi ka dib waxa ay ku dhawaaqeen todobadka cuntada iyo biyaha Somaliland. Waxay wasiiradu falaqeyn dheer oo ay yeeshen ku sheegen in loo qondeyey loona Asteeyey todobaadka iyo cunada iyo biyaha Somaliland in sanad walba ay noqoto kowaad bisha Saddexaad saddexaad muddo todoba cisho ahna uu socdo. Kulankan wax kale oo laga wadahadlay sidii bulsahda Somaliland loogu baraarujin lahaa cuntada iyo biyaha. Wasiirka Qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr.Sacad Cali shire oo halkaasi ka hadlay ayaa wax uu sheegay in kulankani uu yahay mid muhiimad weyn u leh shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay u diyaargarooban Todobadka Cuntada iyo Biyaha. Wasiirka Wasarada deeganka iyo horumarinta reermiyiga Marwo. Shukri xaaji Bandare waxayna iyadun hoosta ka xariiqday in qorshahan cusubi uu yahay mid faa’iido weyn u leh Shacabka Somaliland. Somalilandpost.net Hargeysa Office /Somaliland