Waxa ay Ahayd Gelinkii Dambe ee Khamiistii Shalay markiiย magaalada Caynaba ku soo degtay diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Maraykanak ( United States Air Force ).
Diyaaradan oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa abbaaro 3-dii Galabnimo ka soo kacday Saldhigga Milatariga Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ee Camp Lemonnier.
Diyaaradda Milatariga Maraykanka ayaa abbaaro 4-tii Galabnimo iyo Dheeraad Cagadhigatay magaalada Caynaba oo ay fadhiday muddo ku dhow Hal Saac.
Muuqaalka Hoose ayaa muujinaya Duulimaadka wakhtiga diyaaraddu u kala socotay labada goobood.
Lama Oga ujeeddada safarka diyaaradda milatariga Maraykanka, haseyeeshee, diyaaradda oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa ah nooca xamuulka waxaana loogu talo-galay inay fadhiisato buuraha dushooda, bannaan, webi iyo Baddaba,