Hargeysa (HT) – Madxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo la filayey inay 12-ka bishan oo ku beegan Khamiista Maanta u dhioofaan dalka Itoobiya, ayaa baaqday.
Ma jiro war rasmiya oo Xukuumaddu ku caddaysay sababta weftiga Madaxweyne Cirro uga baaqdeen safarkii shaqo ee dalka Itoobiya, balse warar laga helay ilo kala duwan, ayaa tibaaxay inay jiraan sababo keentay baaqashada Weftigaasi.
Ilo-wareedyada qaarkood ayaa sheegay in weftigu uga baaqday safarkii Addis Ababa, sababo la xidhiidha in lagu war-geliyey shuruud dawladda Itoobiya ka soo hormarisay socdaalka Weftiga, shuruuddaas oo ah in Weftiga Madaxweynaha Somaliland ay ka hor tagidda Addis Ababa ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan heshiiskii badda iyo aqoonsiga ee Raysal-wasaare Abiy Axmed Cali sanadkii hore la galay Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, maaddaama oo Xisbiga Waddani ee talada Somaliland la wareegay uu xilligii uu Mucaaradka ahaa ka soo horjeeday heshiiskaasi oo dawladda Itoobiya kala kulantay dagaal siyaasadeed oo kaga yimid dalalka gobolka qaarkood iyo kuwo ka baxsanba.
Warbaahinta Somalilandpost ma xaqiijin karto in Itoobiya ay Weftiga Somaliland hor-dhigtay shuruudda ku saabsan mawqifka heshiiska aqoonsiga iyo badda ee ay hore u wada saxeexeen Somaliland iyo Itoobiya.
Ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in Weftiga Madaxweyne Cirro uga baaqdeen safarkii Addis Ababa, ka dib markii Sarkaal u qaabilsan dawladda Somaliland soo qiimaynta xaaladda dalalka uu Madaxweynuhu booqanayo oo hore loogu diray Itoobiya uu soo tebiyey xog sheegaysa in dawladda Itoobiya u diyaarsanayn soo dhaweyn ay u samayso weftiga Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, warar kale oo caawa soo baxay, ayaa tibaaxay in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay tagi doonaan Addis Ababa bilowga toddobaadka dambe.