London, (SLpost)- Xoghayihii Gaashaan-dhigga Britian, Liam Fox ayaa iska casilay xilkii Wasaaradda Difaaca ee dalkaas ka dib markii lagu eedeeyey inuu isku khalday masuuliyaddii Xukuumadda iyo hawlihiisa gaarka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa soo baxayay eedeymo ka dhan ah Xoghayaha Difaaca dalka Britain, kuwaasoo salka ku hayay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inuu xidhiidh ka dhexeeyo isaga iyo mid ka mid ah la Taliyeyaashiisa, Adam Werrity.
Xoghayuhu wuxuu ku eedeysnaa in saaxiibkii oo aan dowladda u shaqeyn ay isu raaceen safarro shaqo oo ay dowladdu leedahay.

Waxaa kale, oo lagu eedeeyay inuu la kulmay ganacsato uu kulankooda u qaban qaabiyay saaxiibkii, kulamadaas oo aanay qaban-qaabin Wasaaradda Difaaca ee Britain.

Waxa la sheegayaa in Raysal-wasaare Cameroon ku cadaadiyey Xoghayaha inuu iska casilo xilka ka dib markii fadeexaddani sii xoogaysatay isla markaana ay dhalleecaymo uga yimaadeen dhanka xisbiyada Mucaaradka.
Wasiirka Gaadiidka Britain Philip Hammond ayaa loo magacaabay booska wasiirka Difaaca ee Britain
Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo Britain ay dagaal kula jirto Afghanistan, isla markaana ciidankeedu ay qeyb ka yihiin xulafada ka dagaallameysa Libya.
Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net