Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka Wer-wersan Isku-dhac Milatari oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya

0

New York (SLpost)- Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon, ayaa werwer ka muujiyey halista iska-horimaad dhinaca Xuduudaha ah oo dhexmara Somaliland iyo Somaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

UN-Secretary-General-Ban-Ki-moonXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay inuu dareen cabsi ka qabo iska hor imaad milatari oo ka dhasha degenaanshiyo laโ€™aanta xaaladda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanu labada dhinaca u jeediyey inay ka baaqsadaan tallaabo kasta oo xasilooni-darro abuuri karta.

“Waxa dareen weyn ka qabaa halista iska-horimaad ee u dhexeysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland. Waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac inay iska ilaaliyaan sidaan xiisadu u sii balaadhan,โ€ ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay mar uu la hadlayey warbaahinta, waxaana la filayaa inuu arrimahan si qoto-dheer ugu soo qaato warbixin ku saabsan xaaladda Geeska Afrika oo uu dhowaan ka jeedin doono Gole-weynaha Qaramada Midoobay.

Hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobaya, ayaa ku soo beegmaya xilli horaantii bishan wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu sheegay inay wada-xaajood isaga iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu Cali Maxamed Waran-cadde magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula yeesheen madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in kasta oo maamul-goboleedkaasi dafiray wax kulan ah oo dhexmaray Somaliland.

 

XIGASHO: HIMILO