Xisbiga Waddani oo lagu eedeeyey inuu Gef iyo Meel-ka-dhac kula kacay Shacabka Gobollada Bari ee Somaliland

0

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa  xisbiga WADDANI ku eedeeyay in uu gaf ka galay dadka daga bariga Somaliland kadib markii xoghayaha guud ee xisbigaasi sheegay in wasiir Koore uu Somaliland kula joogo gunno ama laaluush.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo maanta jawaab ka bixiyey hadalka Xoghayaha Guud, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Xisbiga Waddani uu meel ka-dhac ku yahay Shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

”Xisbiga WADDANI, waxay yidhaahdeen Saleebaan Cali Koore gunno ayuu Somaliland ku jooga, waxay gaf ka galeen dadka daga gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer, oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ku yihiin qof xil haya ama gunno qaata,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Somaliland u shaqaynayay tan iyo markii ururkii SNM la wareegeen talada sannadkii 1991, isla markaana uu ka qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Somaliland.”Haddaan taariikhda dib ugu laabto Somaliland shaqadeeda waxan bilaabay 1991-kii, ciddii ugu horraysay ee aanu shaqo wadda bilownay markii SNM dalka soo gashay 4 cisho ka bacdi Maxamed Kaahin Axmedka halka soo fadhiya ayaa kow ka ah, bari oo dhan ayaan nabad galyadeeda kasoo shaqeeyay”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay aasaaskii ciidamada booliska in askarigii ugu horreeyay uu isagu barri ka keenay.”Maalintii booliiska la as aasayay askarigii ugu horeeyay bari aniga ayaa ka keenay, ciidanka qaranka markii la as aasayay guutadii ugu horeysay aniga ayaa bari ka keenay, gobolada bari oo dhan anaa hogaaminayay dastuurka markii loo codaynayay, geed gaaban iyo geed dheer Somaliland tay joogtaba waan soo taagna”

Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo 9-kii bishan warbaahinta la hadlay ayaa wasiir Koore ku eedeeyay in uu Somaliland laaluush ama gunno kula joogo, isagoo hadalkiisu jawaab u ahaa dhaliilo uu Wasiir Koore u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhawaan bartiisa Twitter ku baahiyey hadal wasiirku ku tilmaamay inuu meel-ka-dhac ku yahay Qaranimada Somaliland.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpos.net