Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka digay Calaf xoolaad ay Hayโadi Dalka keentay, kaasi oo Xisbigu sheegay inuu sun yahay oo la doonayo in Xoolaha Somaliland lagu dabar-gooyo.
Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ย Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri) oo Maanta Shir-jaraaโid ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo sharraxaya arrintaasi wuxuu yidhi โXooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, mar hadday xooluhu laf-dhabarta dhaqaalaheena yihiin waa in Dawladda iyo dadkuba loo foojignaado.โ
Dr. Shugri waxa kale oo uu sheegay โNin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan.โ ayuu yidhi.
โNinkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hayโadi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan. Ninkaasi wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hayโadduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso,” sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu.
@HCTV