Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa masuuliyiin Cusub u magacaabay xilalkii Xisbiga ee bannaanaaday ka dib markii ay xubno badani iska casileen ama ka goosteen xilalkii ay xisbigaas ka hayeen.
Warsaxaafadeed lagu socodsiiyey warbaahinta iyo taageerayaasha Xisbiga isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa u dhignaa sidan:
“Maantaoo ay taariikhta tahay 24/09/2011 waxaanu halkan ku magacaabaynaa xubnaha u kala qaabilsanaan doona waaxyaha xisbiga ee kuxusan hoos iyadoo xisbiga lagu sameeyey dib u habayn si loo dardar galiyo hawlahii xisbiga loona dhaqaajiyo hawlmaalimeedkii ay xubnaha muhiimka ahi u hayeen xisbiga.
Sidaadaraadeedwaxaan maanta Halkan ku magacawnay xubnahan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaanan illaahay ugarajaynaa in uu u fududeeyo xilkaa culsu ee ay umada iyo xisbigaba u qabteen.
- Mohamed Xassan Khaire – AfhayeenkaXisbiga UCID
- Ambassador A/fataxsiciid Ahmed- XoghayahaArimahaDibada Iyo IskaashigaCaamaiga ah eeXisbiga UCID
- Cabdale Maxamed Qardhab – Xoghayaha Dhaqaalaha iyo Maaliyada Xisbiga UCID
- Mohamoud Eid Ibraahim – Xoghayah Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID
- A/lahi SalebanWarsame (Qadafi) XoghayahaXidhiidhka Europe Xisbiga UCID
- Mohammed JamacKoodbuur (shine) XoghayahaGuudee UK Xisbiga UCID
- Eng Mohammed Yusuf Ismail G/xigeenka UK Xisbiga UCID
- Hassan Abdi Elmi ( indho) GudoomiyahaDhalinyarada UK XisbigaUCID
- Hassan Mohammed Samawi G/xigeenka dhalinyarada UK Xisbiga UCID
SP News Desk
Contact@somalilandpost.net