Xisbiga UCID Oo Maalinta 7aad ee Ololaha Doorashada ku soo gunaanaday Isku Soo Baxyo Mug Leh ku soo bandhigay Goboladda Dalka + Khudbadihii Murashaxiinta (DAAWO SAWIRRO) ย 

0
โ€œWalaalayaal Waddankan Isbedel Ayaanu La Dooneynaa Cirro Iyoย Muuse Way Madhan Yihiin, Xalka Iyo Xulkuba Somaliland Waa Anigaย Iyo Prof Abyan Weeyeโ€ Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID
Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID, ayaa maalintiisii 7aad ee ugu dambeysay
ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoomi doonta waxa uu isku soo baxyadii uguย balaadhnaa oo Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ka mid ahi iskugu soo baxeen Barxaddaha kalaย duwuan ee magaalooyinka iyo Degmooyinka Somaliland iyaga oo cududooda taageero u muujiyey Xisbigaย UCID.
Xisbiga UCID 7Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo maanta ay u ahayd maalintiisii 7aad ee u dambeysay ololihiisaย doorashada Madaxtooyadda ee dalka ka socda mudada 19-ka maalmood, ayaa isku soo
baxyadii ugu balaadhnaa iyo cududisii taageero ku soo bandhigay guud ahaan goboladda iyoย degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana Fagaarayaasha Beerta Xoriyadda eeย dhamaan goboladda Maroodi Jeex, , Awdal, Sool, Sanaag, Saaxil, Togdheer iyo guud ahaanย degmooyinka dalka halkaasi Khudbado uga jeediyey xubnaha Madaxda ugu sareeya ee Xisbiga
Caddaaladda iyo Daryeelka UCID Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID oo lulaaya Astaanta Dooga ahย Calanka UCID iyo Sawiradda Murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Xisbiga UCID , waxaanaย madaxda kala duwan ee Taageerayaasha fagaarayaasha kala hadlay fariimo adag oo codkooda inay UCIDย dadku siiyaan ahna u kala diray Murashaxiinta Madaxtooyadda iyo Madaxda kala duwan ee hogaankaย Xisbigaasi oo ay ka mid yihiin, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali
Xuseen , Murashax ku xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan), Guddoomiye ku xigeenka 1aadย ee Xisbiga UCIDย  Cabdinaasir Maxamed Xasan (Buuni), Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga UCIDย Md. Cabdirashiid Xasan Maxamed (Basbaas), Guddoomiyaha Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbigaย Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Garya. Ismaaciil Cabdiย Daahir , Xoghaye ku xigeenka Guud Cabdinaasir Yuusuf Xasan (Qodax) Guddoomiyaha Gobolka MaroodiJeex e Xisbiga UCID Maxamed Aadan, Xoghayayaasha heer qaran ee Xisbiga, Guddoomiyayashaย Goboladda ee Xisbiga UCID , Garabyadda heer qaran ee Haweenka iyo Dhalinyarta Xisbiga UCID iyoย madax kale oo tiro badan.
Xisbiga UCID 6Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Garya. Ismaaciil Cabdi Daahir oo ugu horeyn Kumanaanย Taageerayaasha Xisbiga UCID ee maalintii 7aad ee ololaha doorashadda Beerta Xoriyadda Caasimaddaย Hargeysa kala qaybgalay isaga iyo Murashaxa Madaxweynaha ee UCID waxa hadalkiisii ka mid ahaa
โ€œWalaalayaal waxaan idiin sheegayaa Bulshadda reer Somalilandnoow isbedel dhab ah, isbedelka dhabtaย ahina wuxu ku jiraa Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, muwaadiniinta Somaliland waxaanu uย sheegaynaa inay codkooda siiyaan UCIDโ€
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo khudbad uย jeedinaayey Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID oo Beerta Xoriyadda Hargeysa soo buux dhaafiyeyย waxa uu yidhi โ€œInshaalaahu tacaala maalinta doorashadda ee codbixinta ee 13-ka Bishan, Hargeysa in
aanu Cirro lahayn ee uu Faysal Cali Waraabe leeyahay ayaad muujiseen walaalayaal, waxaad muujiseenย in Cabdiraxmaan Cirro ku yahay marti magaaladda Hargeysa, Kaambeynkiisa iyo ka Muuse Biixi-na waaย been abuur waa been been way madhan yihiin waxay wadaan 100 qof ee Somaliland baabiโ€™iyey ee ilaaย iyo 1993-kii wasiiradda isku noq noqonaayey ee wax aliyaa la waxay qabteen aanay jirin ee maanta
umadda Somaliland Biyo laโ€™aan , tacliin laโ€™aan , caafimaad laโ€™aan, wado laโ€™aan iyo qashinka ka buuxaย magaalooyinka dalka waa nimankii horseeday miyaad soo celinaysaan nimankaasi oo isbedbedelaaya,ย anigu walaalayaal anigu wax kale idiin ma hayo ee Caddaalad ayaan idiin hayaa oo waa Kitaabka Illaahayย iyo iyo Sunihii Nebi Muxamed (CSW) ALLAAHU AGBAR, ALLAAHU AGBAR, ALAAHU AGBAR, reerย Somalilandneey kaas ayaad kaga baxaysaan qabyaaladda, kaas ayaad kaga baxaysaan Musuq-Maasuqa,ย kaasi ayaad kaga baxaysaan, kaasi ayaad kaga baxaysaan Sicir bararka, kaasi ayaad kaga baxaysaanย Eexda , kaasi ayaad kaga baxaysaan Biyo laโ€™aanta , , kaasi ayaad kaga baxaysaan Ictiraaf laโ€™aanta reer
Somaliland-noow Kitaabka ma qaadanaa, waa Xujo Illaahay Xujo Illaahay qofkii ka footeeyaโ€
Eng. Faysal waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu eedeymo ku karbaashay Murashaxiinta dhigiisa
ee Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye waxaanu yidhi โ€œWaddankan Isbedel ayaanu ku sameynaynaaย walaalayaal Muuse Biixi ma wixii Siillaanyo wax ka badan ayuu keeni karaa, ma wixii uu dalka u qabtayย Siillaanyo wax ka badan ayuu keeni karaa , waxaan idiin sheegayaa saddexdayada murashax horta midย isaga inaga daaya (Cabdiraxmaan Cirro) Somali weyn ayaa soo dirsatay oo waa lagu shaqaysanayaa eeย inaga daaya kaasi waa shisheeye walaalayaal, Muuse ayaa soo hadhay runta ayaan idiin sheegayaa raga
Qabyaaladda ku taageeraya Muuse, waar Muuse layskuma raacsana oo Somaliland Beelo ayaan ogoleynย ma dagaal sokeeye ayaad sameynaysaan walaalayaal, ma in aad mar dambe qaxdaan ayaad dooneysaanย walaalayaal, xalka iyo xulkuba Somaliland waa aniga iyo Prof Abyan weeyeโ€
Xisbiga UCID 4Guddoomiye Faysal waxa uu si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Butland eeย Somalia oo sheegay in aanay doorashadda Somaliland ka qabsoomi Karin Sool, Sanaag iyo Buuhoodleย waxaanu yidhi โ€œWalaalayaal anagu waad og tihiin oo nabada ayaanu jecelahay walaalayaal, Somali intaย ay burburka ku jirtay waxba maynaan yeelin iyaga ayaa is dilaayey, maantana reerka meesha Garoowe
degan ee Putland-ta sheegta waxay la degi wayday Somalia iyaga weeye inagiina hada ayey inoo sooย dhigteen, shacbiga waxa leeyahay deegaanka Putland degan waar siyaasiyiintiina iska hadaaqaysaย yaanay fidno idiinkeenin ayaan idin leeyahay anagu walaalayaal nabada ayaanu jecelahay oo derisnimo
ayaanu jecelahay Somaalaanu jecelahay oo dantayada ayaanu ka shaqaysaneynaa Xasuuq ayaad na
geysiiseen waa idin saamaxnay dawlad ayeynu hayn oo dawladdiina meesha ayey ka tagtay Somaliย colaad uma haynoโ€
Murashax ku xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ay weheliyaan Guddoomiyahaย Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo masuuliyiintaย gobolka Sanaag iyo Saraakiil sare oo Xisbiga UCID ka tirsani waxay maalintii 7aad ee u dambeysay
ololaha doorashadda madaxtooyadda kala qaybgaleen Bulshadda magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee
Ceerigaabo waxaana hadalki murashax ku xigeenka ka mid ahaa โ€œWaad aragtaan ololaha doorashadda
madaxtooyada marka la sameynaayo labadan xisbi ee Waddani iyo Kulmiye waxa meesha yaacaya, waa
wasiiro hada jooga iyo wasiiradii hore oo Suudhadh qaaliya wata oo Buurbuuran weeyaan soo maaha ooย xoolihii danyarta ku naaxay, laakiin anaga Xisbiga UCID dadkayagu waa idinka weeyaan, waa danyarta,ย waa haweenka, waa Hablaha, waa Wiilasha , waa dadka sida caddaalad darada ah loo haybsooco , waaย dadka la ilaaway ee lagu tuntay xaquuqdoodu anagu dadkaasi ayaanu ka dooneynaa codkooda iyo inay
Isbedelka Xisbiga UCID wado ka gacan siiyaan oo codkooda ugu hiiliyaan, laakiin Isbedelka ay
sheeganayaan Kulmiye iyo Waddani waa isbedel beena weeyaan , ma waxay shalay bedeli waayeen ayeyย barito ina leeyihiin waa bedelaynaa, yey khaldayaan miyey naga caqli badan yihiin kama yeelayno ooย kelmada Isbedel labadaasi xisbi xaq u ma leh kelmadda Isbedel xisbiga UCID ayaa xaq u leh, xisbiga UCIDย waa xisbi nadiif ah, waa xisbi aan musuq maasuq iyo eex lahayn siyaasadda UCID, marka bulshadda reer
Ceerigaabo waxaanu ka codsaneyna oo faraynaa inay maalinta doorashadda ee 13 bishan marka laย gaadho codkooda ugu hiiliyaan xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCIDโ€

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCIDย  Cabdinaasir Maxamed Xasan (Buuni), ayaa isaga iyo wefti
uu hogaaminaayo murashax Faysal Cali Waraabe oo markii uu beerta xoriyadda ee Hargeysa Khudbada ka
jeediyey deg deg u gaadhay isla shalay magaalada Boorame waxay khudbado u jeediyeen isla markaana soo
dhaweeyeen taageerayaal UCID ku soo biiray iyaga xarumaha xafiisyadda Boorame ee xisbigana kula hadlay
taageerayaasha UCID waxaana murashax Faysal iyo guddoomiye Buuni ay bulshadda reer Awdal halkaasi
fariin uga direen in dalka Somaliland badbaadadiisa, caddaaladiisa iyo midnimadiisu ku xidhan tahay iyada oo
ay bulshaddu doortaan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo maalinta doorashadda 13 bishan
marka la gaadho ay ugu hiiliyaan codkooda.
Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Sacad Cabdi Boos iyo Masuuliyiinta kale eeย Xisbigaasi u qaabilsan Togdheer, ayaa maalintii 7aad ee ololaha doorashadda Xisbiga UCID ugu dambeysay,
waxay ku soo afmeereen qaab cusub oo ay u sameeyeen debaal dega ololaha xisbigooda waxaanaย guddoomiye Boos hadalkiisa ka mid ahaa โ€œMaanta waa wareegii 7aad waa maalintii noogu dambeysay hadii
aanu nahay xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID ololaha doorashadda Somaliland ee dalka ka socda ,
saaka xisbiga UCID waxa uu u qaybiyey maalintiisa u dambeysay ololaha doorashadda dhawr Waji waxaanย marka 1aad ka dhignay Barnaamijkii Xisbiga UCID ee Siyaasadda waxqabadkiisa xisbigu uu bulshadda uguย sharaxaayey waxaanu geynay Suuqyadda, meelaha dadku iskugu yimaadaan, xafiisyadda xisbigu Gobolka
Togdheer ku leeyahay iyo in aanu sameynay hawlgal al-baab ilaa al-baab aanu u garaacnay magaaladdaย Burco, talaabada 2aad ee aanu sameynay waxa weeye wacyi-gelin siyaasadda xisbiga ah in aanu dhulkaย Miyiga ah ka sameynay, , waxa talaabada 3aad aanu dhulka Miyiga ah ka sameynay Barnaamijkii Saddaqada
ahaa ee aanu hore ololahayaga dalka ku bedelayโ€
Ugu dambeyntii Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Xisbiga UCID, ayaa isku soo baxyadda maalintii 7aadย ay taageerayaasha Xisbiga UCID iskugu soo baxeen magaalooyinka Berbera, Bali-gubadle, Ceel-Afweyn,
Sallaxley, Widh-Widh iyo guud ahaan inta badan deegaanadda kala duwan ee Jamhuuriyadda Somalilandย khudbado uga jeediyey taageerayaashaasi waxaanay madaxda xisbigu ugu baaqeen inay codkooda maalintaย doorashadda la gaadho 13 Bishan inay Xisbiga UCID ee isbedelka iyo caddaaladda siyaasadiisu tahay ugu hilaayaan codkooda bulshada Somaliland.