Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID , ayaa istiqaaladda ka ogolaaday Xoghayihii Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID Maxamed Haaruun Maxamuud oo 31-kii Decemberย ee sannadkii hore iska casilay xilkaas.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay ku-simaha xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa lagu shaaciyey aqbalaadda istiqaaladda Xoghayihii hore ee Arrimaha Debedda Xisbiga UCID, waxaanu u dhignaa warsaxaafadeedkaasi sidan: โAnaga oo tixraacayna codsigii E-mailka uu u soo diray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ee Ku Taariikhaysnaa Bishii Dec 31 2012, kaas oo uu u soo gudbiyay Xoghayihii Hore ee Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID Md, Maxamed Haaruun Maxamud kuna codsanayay in lagaย ogalaaddo in uu baneeyoย jagadii Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Xisbiga UCID, dano gaar ah awgeed, kadib markaan la tashaday Guddida fulinta ee Xisbiga waxaan ka aqbalay codsigagaa is-casilaada ee uu oo soo gudbiyay xoghayihii hore ee Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID.
Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa Md, Mohamed Haarun Maxamuud sidii qiimaha weyn lahayd iyo hagar laโaantii aad noola shaqeysay intii aadย jagadda haysay, walina aan jeclahay in aan aad sii wadi doontid hawshaas.
Sidaa awgeedna in jagadaas Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID si dhakhso ah loo soo buuxin doono cid kasta oo danaynaysa jagadaasi.โ
Somalilandpost/Hargeysa