Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANIย ayaa sheegay inay Cabasho la xidhiidha Doorashada iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbigooda oo xabsiga loo taxaabay u gudbiyeen Beesha Caalamka kaddib markii maanta hoggaanka xisbigaasi kulan la qaatay wakiillo ka tirsan Beesha Caalamka ee taageera doorashooyinka Somaliland oo socdaal ku jooga dalka.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo saxaafadda la hadlay kulankaas kaddib, ayaa sheegay inay jiraan tabashooyin ay ka tirsanayaan qaabka doorashada isla markaana ay u gudbinayaan Guddiga Doorashooyinka.
Waxa kale oo uu Cabdiqaadir Jirde baaq u diray Shacabka guud iyo gaar ahaan taageerayaasha Xisbigooda oo uu uga digay inay rumaystaan Natiijooyin aan xaqiida u salaysnayn oo dadku isla dhex-marayaan.
MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAASANย