Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyey goโaankii ay dhawaan Guddida doorashooyinku ku cayimeen waqtiga ay u qorsheeyeen inay qabsoomaan doorashooyinka ururrada Siyaasadda iyo madaxtooyada
Guddoomiye-ku-xigeenka oo goor dhaweyd shir sharaaโid ku qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada la wadaagay sida ay xisbi ahaan u taageersan yihiin una soo dhaweynayaan goโaankii ay Toddabaadkan guddida doorashooyinka qaranku ku shaaciyeen waqtiyada ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada iyo sida ay ay usoo kala horraynayaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE si kal iyo laab ah oo niyadsami ku dheehan tahay usoo dhaweynayo goโaanka Komishanka qaranka, waxana uu yidhi,โMawqifka xisbiga KULMIYE iyo goโaankiisuba waa inuu taageersan yahay goโaanka komishanku soo saareen ee ku aaddan kala horraynta doorashooyinka oo ay ugu soo horrayso doorashooyinka ururradu oo ay ku xigto doorashada madaxtooyaduna.โ
Sababta ay xisbi ahaan usoo dhaweynayaan goโaanka guddida ayuu guddoomiyuhu bulshada u sharraxay, waxana uu tilmaamay inay tahay arrin sharci ah oo mudan in la taageero oo la garab galo,
โSababta aannu u taageeraynaana waa Somaliland waxa kaliya eek u adagtahay ama ay dawladnimadeennu ku taabbo gashay waa Distoorka, kaasaana ina kala haga, kaas ayaanuna taageeraynaa,โ ayuu yidhi guddoomiye Maxamed Kaahin Kaahin.
Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu sidoo kale soo dhaweeyey baaqyada caalamiga ah ee lagu taageerayo goโaanka Komishanka doorashooyinka qaranku dhawaan ku shaaciyeen hannaanka ay doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyadu usoo kala horraynayaan.
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayuu sidoo kale guddoomiyuhu farriin u diray, waxana uu usoo jeediyey in qaranimada la ilaaliyo, loona diyaar garoobo doorashooyinka oo u kala horrayn doona qaabka ay Komishanka qaranku u dhigeen.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net