Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa xukuumadda ka difaacay dhaliilo maamul oo uga yimi Axsaabta Mucaaradka ah ee dalka.ย
Xisbiyada Mucaaradku waxa ay xukuumadda ku eedeeyeen inay faro-gelin ku hayso Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka isla markaanay dhegaysato telefoonnada Masuuliyiinta sare-sare ee Mucaaradka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in Xisbiga Kulmiye ku garab-taagan yahay Xukuumadda tallaabo kasta oo ay ku fulinayso Barnaamijkii Xisbigu ku galay Ololaha Doorashada.
War-saxaafadeedka oo Xisbigu kaga Hadlay Jawaabta uu ka bixiyey Dhaliilaha Xisbiyada Mucaaradka, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warbaahinta Somalilandpost.net, ka akhriso Xagga Hoose.