Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa been-abuur ku tilmaamay magac loo adeegsaday guddoomiyaha xisbigaas Muuse Cabdi oo lagu isticmaalo barta bulshadu kuwada xidhiidho ee Facebook.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska maamulka iyo xidhiidhka saxaafadda ee xisbigaas ayaa u qornaa sidan:- โWaxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.
Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.
Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan.โ
ALLAA MAHAD LEH
Mustafe Iid Maxamed
Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiid