Xildhibaan Qabiile Oo Wareejinta Haamaha Shidaalka Ku Tilmaamay Mid Xaassaasi ah Oo Aan Golaha Wakiilada Laโ€™aantii Gudbi Karin

0

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ayaa ku tilmaamay wareejinta haamaha shidaalka mid xaassaasi ah, isla markaasna aan gudbi karin golaha wakiilada laโ€™aantii.

waxa uu xildhibaanku u soo jeediyay xukuumadda in aanu dalku ku ururin gacmaha inyar oo ganacsato ah waxaana uu arintan kaga hadlay maanta afaafka hore ee aqalka golaha wakiilada, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi โ€œHaamaha shidaalka heshiiska lagu kiraynaayo waa waajib in golaha wakiiladu uu helo, hadii ay xukuumaddu sidii kuwii hore uga dhaga adaygtana waxaanu leenahay waa arin aan golaha wakiilada laโ€™aantii gudbikarin, hadii maamulka haamahu halkan noogu iman waayo waxa ku waajib ah gudida dabagalka hantida qaranku inay halkiisa ugu tagto, waxaanu ognahay in hada ay socoto hawsheedii laakiin aanay waxba dhamaystirmin, il foojigana waanu ku haynaa waana mid xaasaasi ah.โ€