Xildhibaan ka Mid ah Golaha Deegaanka Ceerigaabo oo Walaac ka Muujisay Sun ku soo Caaridday Xeebta Gobolka Sanaag

0

Ceerigaabo(SLpost)- Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax (Qamar Talleex) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ayaa qaylo dhaan ka muujisay sunย  badda lagu daadiyayย  oo ka soo caariday xeebtaย  gobolka Sanaag.

Xildhibaan Qamar oo shalay warbaahinta kula hadashay magaaladda Cerigaabo ayaa xukuumadda u soo jeedisay inay wax ka qabato sun ay u sheegtay in ay ka soo caariday xeebta gobolka Sanaag,ย  gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho, waxaanay tidhiย ย  โ€œMaanta (shalay) waxa aan u qabtay shir saxaafadeedkan waxa weeye dhibaato ka taagan, xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho oo waqooyi ka xigta qiyaastii 90kmย  magaalada Ceerigaaboย  waxa ka soo baxday halkaa haan weyn oo dahaadhan.ย  waxaanuย  u arragnay inay tahay waxyaabaha lagu aaso badaha mandaqadda waxaana keenay duufaantii dabaylaha wadatay ee ka dhacday xeebta.โ€

โ€œWaxa aan baaq u dirayaa cid kastaย  oo ka damqanaysa dhibaatadaas halkaas ka taagan oo bulshadda waxyeelo ku haysa.ย  xukuumadda Somaliland ha ahaatoย  iyo ciddii kaleย  eeย ย  danaynaysabaย  ha ahaato meeshaa aad ayaa loogu dhibaataysan yahay dad shicib ahย  ayaa gaadh ka haya si aanay bulshadda reer miyiga ah wax u yeelin suntaasi,โ€ayay tidhi Xildhibaan Qamar Talleex.

Waxa kale oo ay sheegtay inay kula xisaabtami doonaan dadkii suntan badda dhigay, waxaanay tidhiย  โ€œWaxaanu codsanaynaa markaa in la soo eego suntaas oo meesha laga qaado, waxaana ku adkaynayaa xukuumadda Somaliland inay dedaal badan gasho arrintaas waayo dadku waa dadkeedii oo iyadaa kaย  masuula. Waanan kula xisaabtamaynaa dadkii suntaas meesha dhigay goor ay noqotaba.โ€

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland