Xeerka ku Saabsan Aqoonsiga Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska Oo ka Gudbay Wejigiisa 1aad iyo Wakhtiga Loo ballamay

0

London (SLpost)- Xildhibaan Gavin Williamson Oo ka tirsan Aqalka Hoose (Commons) ee Baarlamaanka UK, ayaa fadhi Golahaasi maanta yeeshay horgeeyey mooshin xambaarsan xeer jidaynaya in dowladda Dalkaasi Aqoonsi buuxa siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Mooshinka oo ay ku saxeexan yihiin Siddeed xildhibaan oo mudane Gavin Williamson ku jira, ayuu xildhibaanku horgeeyey fadhiga Aqalka Wakiillada ee Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo hallkaas ka akhriyey xaqiiqooyin ku saabsan dhismaha dowladnimo ee Somaliland iyo sida ay u buuxisay shuruudaha Qaranimada.

“Shacabka Somaliland Waxay Inoo Hiiliyeen Wakti aynu u Baahnayn, Maantana Hiilkeena Ayay baahan Yihiin,” Sidaas ayuu Xildhibaanku ku sheegay hadalka uu maanta ka jeediyey Fadhiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Uk.

Hadal-jeedinta xildhibaan Gavin Williamson oo 10 Daqiiqo ahayd kaddib, waxa uu shir-guddoonka Golaha Wakiillada (House of Commons) oo ay daadihinaysay guddoomiye ku-xigeenka Madam Eleanor Laing gacanta ka saaray Mooshinka xambaarsan Xeerka Aqoonsiga Somaliland.

Xeerka oo maanta ka gudbay Wejigiisa 1aad, waxa ballamay in Aqalka Baarlamaanka UK lagaga doodo 24-ka Bisha November ee sannadkan oo ku beegan maalin Jimce ah.