Xeerka iyo Dabarka isma-qaatayaasha af-ku-hadalka Soomaaliga

0

ย 

 

ย 

Qaybo ka mid ah xarfaha aan is qaadan ee ku jira af-ku-hadalka

Xeerka iyo dabarka af-ku-hadalka soomaaligu waa qayb weyn oo ka mid ah hab-dhiska iyo hab-qoraalka af-ku-hadalka soomaaliga.

Xeerku wuxuu kuu jideeyaa inaad si fasho. Dabarkuna waa lidka xeerka oo wuxuu kaa baajiyaa inaad si fasho. Haddaba marka la joogoo af-ku hadalka soomaaliga. In xeer iyo dabar la helaa waxay ina geyaysiinaysaa inaan siyaabaha qaarkood loogu dhawaaqin ama loo dhigin hab-qoraalka af-kan. Buugga xeerka iyo dabarka af-ku-hadalka soomaaliga ee โ€œBaaceedโ€ cutubka uu kaga hadlayo hab-dhiska tuduca waxaa ku cad ereyo aanay suurtoobikarin in magaca soomaaliga ahi ku dhamaado. La arkee in magacyada ka soo tafay af-af-ka kale ay ku dhmaan karaan. Arrintaasna waxaa loo tixgeliyay inay tahay xeer iyo dabar.

Intaas oo keliya kuma eka. Waxaa iyaguna jira shaqallo iyo shibbanayaal aanay suurta gal marrnaba ahayn inay ku kulmaanw eedhaaha dhexdooda.

Inta badan shaqalladu waxay ku googaโ€™anyihiin weedhaha af-ku hadalka soomaaliga iyagoo ka hormara kana dabamara shibbanayaasha.

Shaqalka โ€œIโ€ ha gaabnaado ama ha dheeraado, waxaan suurto gal ahayn inuu shaqalkani ka hormaro shibbanaha โ€œwโ€ iyadoo ay ku-wada jiran hal weedh. Haddii ay dhacdo in la arko iyagoo ku wada jira sida (iiwarran iyo siweyn) Waxaa lagma maarmaanah in weedhaasi ka askumantahay lab eray oo isu tegay. Tusaale: โ€œiiโ€ iyo โ€œwarranโ€. โ€œiiโ€ waxay tibaaxaysaa dirsooce. Kaas oo la shaqeeya magac-u-yaalka aniga. Marka tuduc laga dhigana waxuu u dhismaa tuducaasi sida: (aniga ii warran) waxaa taa la mid ah โ€œsiโ€ iyo โ€œweynโ€. โ€œsiโ€ waxay tibaaxaysaa, u-yaal guud. Waxaana loo dhisaa sida, (waxaan uga helay si weyn) hadaba marka laga yimaado shaqalka โ€œIโ€ iyo shibbanaha โ€œwโ€ oo xeer isu keenay sida tusaalaha sare ku cad waxaa jira ereyo qoraalkooda lagefay.

Waxaa loo baahanyahay in loo feejignaado sida loo dhigayo iyo sida loo dhisayo qoraal ahaan. Waa in lakala saaro weedha ku dhamaanaysa shaqalka โ€œIโ€ ha dheeraado ama ha gaabnaado, iyoweedha ka bilaabmaysa shibbanaha โ€œwโ€. Waxay fududdaynaysaa in la kala garto. Ma xeerbay ku timi? Ma gef-qoraal dhacaybaa? Mise waa erey afkale ka yimi oo toosintiisa leh.

Tusaale:

Qummanย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qalloocan

Ii wad ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  iiwad

Ii warranย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย  iiwaran

Mrkii waxย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย  markiiwax

I waydii ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย  Iwaydii

Si weynย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย  siweyn

Danni-wadaagย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  danniwadaag

Waxaan iyana suurta gal ahayn in la arko labadan midh ee shaqalka iyo shibbanaha ah ee aynu kor kaga soo hadallay. Oo ku wada jira hal erey sida โ€œwiiwaaโ€ iyo โ€œbiwaalidโ€ sidaa darteed waxaynu odhan karrnaa weedh kasta oo lagu arkoย  hab dhiskeeda iyadoo ka kooban shaqalkan โ€œIโ€ iyo shibbanahan โ€œwโ€ waxaa loo aqoonsanayaa inaanay ahayn ama ka soo jeedin af-ku hadalka soomaaliga.

Waxaynu sidoo kale odhan karrnaa weedh kasta oo lagu arko hab dhiskeeda iyadoo ka kooban shaqalkan โ€œIโ€ iyo shibbanaha โ€œwโ€ oo isla markaana loo aqoonsado in xeer isu keenay waa in la kala saaro si mid-waliba goonnidiisa isu taago.

Shaqallada iyo shibbanayaasha aanay suurta-galka ahayn, inkastoo ay badanyahiin waxaa ka mid ah shaqalka โ€œuโ€ ha dheeraado ama ha gaabnaado iyo shibbanaha โ€œyโ€ oo aanay suurto-gal ahayn in shaqalka โ€œuโ€ uu ka hor maro shibbanaha โ€œyโ€ haddii ay dhacdo taasi waa in ay yihiin laba erey oo xeer isu keenay. Sida: (kuyidhi, kuyaac iyo uguyeedh) waxaa lagama maarmaan ah in weedhani ay ka koobantahay laba qaybood oo kala ah โ€œkuโ€ iyo โ€œyidhiโ€, โ€œkuโ€ iyo โ€œyaacโ€ labada erey eek u kulmay weedha waxaa midkii walba mesha keenay xeer. Tusaale: โ€œkuโ€ waxay tibaaxaysaa fal-jaheeye ama fal-kaabe. Halka yaacna ay tahay fal suke ah. Sidaa darteed waa in lakala saara marka la qorayo oo aan laysku xidhin.

Waxaan marnaba suurto gal ahayn in shaqalkan iyo shibbanhan aynu kor kaga soo hadallay ay ku kulmaan erey gudihii. Haddii ay dhacdo oo la arko waxaa lo tixgelinayaa. Gef qoraal ku yimi laba erey oo weedh ku kulmay halkii ay ahayd in la kala saaro. Gef-qoraal ku yimi hab qoraalka wedha. Iyo gedmasho ku dhacday asalka ereyga ka dib markii carrabku dooriyay. Haddii ay intaa ka baaqato waxaa loo tixgelinayaa ereygaa ama weedhaasi inaanay ahayn soomaali balse ay tahay weedh ka soo taftay af-af kale.

Tusaale:

Ereyada asal ahaan gedmaday ee carrab-jalaqdu doorisay.

Qummanย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qalloocan

Qunyarย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  quyar

Qoyan ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  quyan

Tuโ€™yoย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  tuuyo

Intan kuma dhama xeerka iyo dabarka ereyga af-ku-hadalka soomaaligu balse wuu ka ballaadhanyahay.

 

 

W/Q-Xasan Maxamuud Ibraahin โ€œXasan-Burcoโ€