Hargeysa, (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan, ayaa markii ugu horresay shalay ka hadlay qoraal uu dhawaan soo saaray oo uu ku joojiyey diiwaangelinta Hayβadaha cusub ee Warbaahinta, gaar ahaan TV-yada iyo Wargeysyada, isaga oo ku andacooday inay jiraan Hayβado Dhukummentiyadooda Wasaaradda Warfaafintu u gudbisay aanay buuxinnin shuruudihii looga baahnaa.
Xeer-ilaaliyaha guud ma cuskannin wax ka weyn inay jiraan qaar diiwaangelin doonaya oo aan buuxin shuruudihii looga baahnaa, marka laga tago Xeerka Saxaafadda oo dhawaanahanba ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo si weyn ugu dedaalaysay inay tirtirto ama ay ku soo kordhisay qodobbo cabbudhinaya Xorriyadda Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala.
Mar uu Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; βWarqadda haddii aan ka jawaabo aniga ayaa qoray oo waxay ku socotay Wasaaradda Warfaafinta, ogaysiinnayna Wasaaradda Madaxtooyada oo loo sii marinayay Madaxweynaha. Xafiiskani waxa uu u xill-saaranyahay diiwaangelinta Saxaafadda, ha noqoto TV-yada, Jaraaβidka iyo Idaacadaha iyo wixii la hal-maala. Subaxdii aan arrintaasi qorayay Saxaafaddu diiwaangelintiisii immika baryahan waxa Wasaaradda igaga iminayay Dukummentiyo aan waafaqsanayn sida Xeerka Saxaafaddu dhigayo.β
Hadalkan Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii ay shalay shir jaraaβid oo ay Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku qabteen Huteel Xaraf ay si adag ugaga hadleen qoraalka Xeer-ilaaliyaha oo ay si weyn u cambaareeyeen. Haddaba, qoraalka uu Xeer-ilaaliyaha guud soo saaray 23-kii bishan aynu ku jirno sannadka 2011, waxa uu u dhignaa sidan:-
βKu: wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL
Og: Wasiirka Madaxatooyadda JSL
Ujeeddo:- Joojin Diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada, si ku meel gaadh ah.
Waxaan idinla socodsiinaynaa in warbaahinta aad noo soo gudbisaan si aannu u diiwaangelinno aanay buuxinnin aqoontii iyo shuruudihii looga baahnaa, arrintaasi oo aan waafaqsanayn Xeerka Saxaafadda.
Sidoo kale, waxa loo baahan yahay in wax ka beddel lagu sameeyo Xeerkaas, si loo helo Xeer dhammaystiran oo ka turjumaya Saxaafadda oo dhan, Sidaasi darteed, waxaannu idinku wargelinaynaa inaannu si ku meel gaadh ah u joojinnay diiwaangelintooda, illaa inta wax ka beddel lagu samaynaayo Xeerkaasi. Allaa Mahad leh. Xasan Axmed Aadan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.β
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net