Xarunta Daryeelka Dadka Dhimirka Qaba ee Sahan oo Lagu Wareejiyay Kaalmo Raashin oo Ka Timid Jaaliyadaha Sweden Iyo Denmark

0

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Sahan ee daryeelka dadka qaba xanuunka Dhimirka, ayaa lagu wareejiyay gargaar ka yimi qaar ka mida Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka Sweden Denmark, taasoo loogu talagalay dadkaย  bukaanka ah ee ku jira xaruntaas.

Deeqdan oo dhan $1,820 (Kun, Siddeed Boqol iyo Labaatan Dollar) oo lagu soo hagaajiyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) oo si rasmi ah ugu wareejiyay maamulka xarunta Sahan, waxaana ay labada dhinacba sheegeen inย  ay wax ka tari doonto baahida ka taagan xaruntaas.

Sheekh Aadan ย oo ka hadlay munaasibad lagula kala wareegayayย  kaalmadan, ayaa lacag dhan $1,000 ay ka soo gaadhay gabdho ku nool dalka Sweden, kuwaas ooย  soo wakiishay Maymuuna Sheekh Cismaan, halka $820 ee kalena oo ay ka timi Cabdiwahaab Sheekh Xasan.

Sheekhu waxa uu sheegay in lacagtaas ay ku iibiyeen raashinย  ay quutaan dadka ku jira xarunta Sahan oo qaarkood qoysaskoodu aanay iska bixin karin raashinka ay quutaan, isla markaanaย  aanu maamulku awood u lahayn in uu dabool baahida jirta.

โ€œWaxa aan aad ugu mahadcelinaynaa hablaha ku nool Sweden oo ay ka wakiil tahay Maymuuna Sheekh Cismaan, $1,000 ayay hablahaas ugu soo deeqeen xarunta Dhimirka, alaabtii la soo siiyay waa taa aad arkaysaan raashinkii loogu talagay dadka, waxa oo aanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Cabdiwahaab Sheekh Xasan isaga xaaskiisa Safiya iyo waalidkooda oo runtii ahย  dadka ka warhaya ย sannad walba dadkooda jilacsan, labadaa lacagood ayaa maanta la sii siiyay,โ€ ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Guddoomiyaha xarunta Sahan Bashiir Maxamed ย Jaamac oo isna ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ay deeqdan dabooli doonto qayb ka mida baahidaย  taagan, isaga oo u mahadceliyay ย jaaliyadaha dalalka Sweden iyo Denmark.

โ€œHablaha uu Sheekhu sheegay iyo Cabdiwahaabย  dadka ay ka wakiilka yihiin iyo dadka qurbaha jooga oo dhan waanu mahadcelinaynaa, alaabtaasina Sheekhu sida uu idiin wada sheegay waa ay na soo wada gaadhay waxweyn ย bay naga taraysaa, baahi weyn bay daboolaysaa,โ€œ ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net