Hargeysa (SLpos)- Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ururrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee ka dagaalama Marinka Gaza, ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Israaโiil heshiis kula galeen joojinta dagaalka labada bilood ka socday marinka Gaza oo galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo Falastiiniyiin ah.
Ziad Nakhala oo ka tirsan Kooxda Islamic Jihad, ayaa sheegay inay la gaadhay Heshiis habbad-joojin ah oo soo afjaraya dagaalka Gaza, isla markaana ay dhinaca Israaโiil kaga beddesheen in qayb ahaan laga qaado cuna-qabatayn saaran Gaza si loo helo goobo loo soo mariyo dadka qaxoontiga ah gar-gaarka hayโadaha iyo qalabka dhismaha.
Waxa uu sarkaalkani sheegay in muddo bil gudaheed ah loo ballaamay wada-hadallo xambaarsan qodobbo miisaan culus oo ay ka mid yihiin dhismaha madaar iyo deked loo sameeyo Qaza, kuwaas oo ka mid ah shuruudo ay kooxda Xamaas ku xidhaysay tiroba dhowr jeer oo wada-hadallo uga bilaabmeen labada dhinac magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Sidoo kale, sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday inaan magaciisa la xusin, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey jiritaanka heshiiska xabbad-joojinta ah ee dhexmaray Gaza iyo Israaโiil.
Dawladda Masar oo tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay bishii 8-dii bishii July waan-waan ka dhex-wadday labada dhinac, ayaa ka shaqaysay heshiiska cusub oo shalay gelinkii dambe si rasmi ah u dhaqan-galay. Balse ma jirto war arrintan ku saabsan oo laga xaqiiyey dhinaca dawladda Yuhuudda.
โMaanta waxaanu shaacinaynaa guusha ay gaadheen xoogagga Wax-iska-caabintu, maanta waxaanu bayaaninaynaa guusha ay gaadhay Gaza,โ sidaas waxa yidhi afhayeen u hadlay Xamaas Sami Abu Zuhri.
Shaacinta heshiiska ayaa ku soo beegantay wax yar ka dib markii ay ciidamada Israaโiil shalay subaxnimadii ay duqeyn u geysteen laba dhisme oo midkiiba 15 dabaq ka koobnaa, kuwaas oo hoy u ahaa qoysas badan iyo meherado ganacsi. Dhismayaasha ay diyaaradaha Israaโiil shalay bar-tilmaameedsadeen waxa ka mid ah dhismaha Al-Basha Tower oo ka kooban 15 dabaq, kaas oo gebi ahaantiisa dhulka lala simay isla markaana dhaawacyo soo gaadhsiiyey dhismeyaal kale oo dhinacyada kaga yaalla, haseyeeshee ma jirto cid ku dhimatay weerarkaas iyada oo dadkii ku jiray hore uga baxeen. Waxa ku dhaawacmay 25 qof oo ku jiray dhismeyaal uu leeyahay Ganacsade u dhashay Talyaaniga oo ku dhejisan sarta Al-Basha.
Ilaa bilowgii todobaadkan, diyaarada Israaโiil waxa ay burburiyeen shan dhisme oo dhaadheer oo ku yaalla Gaza, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay farsamo cusub oo dawladda Israaโiil cadaadiska ugu sii kordhinayso Xamaas.
Haseyeeshee, dawladda Israaโiil kamay hadal sababta ay u bartilmaameedsatay dhismeyaasha, halka markii hore yoolkoodu ahaa goobo cayiman oo ay uga shakiyaan inay dagaalyahannada Xamaas ka hawl-galaan.
Milatariga Israaโiil ayaa sheegay inay shalay oo kaliya ah, wax yar ka hor xilliga uu soo baxay warka heshiiska xabbad-joojinta ah, ay diyaaradeedu duqeeyeen 15 bartilmaameed, halka Kooxaha Falastiiniyiinta ahi ay gudaha Israaโiil ku rideen siddeed gantaal oo kaliya. Duqeymaha ay diyaaradaha Yuhuuddu shalay ka geysteen Gaza, waxa ku dhintay laba qof, halka sidoo kale Gantaalaha lagu ganay gudaha Israaโiil ay dileen hal qof oo Yuhuudi ah halka dhowr iyo toban kalena dhaawacyo ka soo gaadheen. Waxa kale oo gantaaluhu burbur gaadhsiiyeen dhismeyaal ku yaala magaalada Ashkelon oo ku taala Koonfurta Israaโiil.
Kooxda Xamaas ayaa gacan-ku-haynta marinta Gaza kala wareegtay madaxweyne Cabbaas sannadkii 2007, taas oo sababtay in dawladda Israaโiil ay cuna-qabatayn iyo xayiraadba saarto marinka Gaza.
Dagaalka marinka Gaza oo bilaabmay bishii July ee sannadkan, ayaa galaaftay nolosha 2,139 qof oo Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 11,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee marinka Gaza. Sidoo kale, waxa ku burburay 17,000 oo guri, taas oo sababtay inay barakacayaan shacab tiradooda gaadhayso 100,000, sida ay sheegeen hayโadaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala deegaannada Marinka Gaza.
Dhinaca Israaโiil, waxa dagaalka kaga dhintay 69 qof oo dhammaantood Askar ah marka laga reebo shan qof oo shacab ah. Sidoo kale, waxa dhaawacyo ka-soo-kabashadoodu muddo qaadanayso ka cabanaya dhaqaalaha dalka Israaโiil oo hoos-u-dhac weyni ku yimi.
SOMALILANDPOST.NET