Burco (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo haatan safar shaqo ku jooga Magaalada Burco, ayaa ka Hadlay dhibaatooyin soo noqnoqday oo ka taagan Cisbitaalka Magaalada Burco, waxana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada dhibaatada halkaas ka taagan.
Wasiir Xaglo-toosiye oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris, ayaa uga digay Dadka reer Burco Cabashooyin soo noqnoqday oo ay Cisbitaalka Burco ka sheegayaan, waxana uu faahfaahiyey sababta cabashdaaas keenaysa.
βMarwooy Cisbitaalku wuu shaqaynayaa inkastoo ay reer Burco Cabanayaan, Cabashadana waxa keenaya oo ay Burco u baratay Hayβad MSF la yidhaahdo oo bishii $250,000 ku kharash garayn jirtey, Kaalintii Hayβaddaas waanu buuxin kari weynay laakiin Cisbitaalkii wuu shaqanayaa.βayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray,βReer Burco waxan leeyahay waxba maanu hagrane waxa aynu haysano aynu iimaansano oo cabashada badan aynu iska dayno.muhiimaddana waxa uu cisbitaalka Burco iyo Ka Borama yihiin Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.β Wasiir Xaglo-toosiye, waxa uu sheegay in laga tashan doono Mucaawimooyinka Hayβadaha qaarkood dalka siiyaan ee sida kediska ah loo goosanayo, waxana uu xusay inay talo gaar ah yeelan doonaan, β Inaguna waynu isku tashan doonaa oo Hayβad dambe intay samada ina geyso innagoo aan diyaarsanayn inaga tegimaysee waxa aynu hayno ayeynu qurxisan doonaa, dadka TV-yada istaagayana waxanu leenahay cisbitaalku wuu shaqaynayaa. Imika oo u dambaysayna $120,000, baa Khasnadda Dawladda looga saaray oo la geliyey.βayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
https://www.youtube.com/watch?v=FXeBy5Mhp8Y