Xaddiga Hoos-u-dhac ku Yimi Miisaaniyadda Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Taageere Dhaqaale

0

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee sannadkan u horeeyay uu hoos u dhac 9% ku yimi dakhliga dowladda, ka dib markii uu xanuunka Covid-19 saamayn ku yeeshay dhaqaalihii iyo ganacsiga adduunka.

Qoraal ay wasaaradda maaliyadda Somaliland diyaarisay bishan April oo u muuqda mid ay beesha caalamka u dirayso si looga taageero saamaynta dhaqaale ee uu Somaliland gaadhsiiyey xanuunkani oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, waxay wasaaraddu ku sheegtay in dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliland uu ku xidhan yahay hadba sida uu yahay dhaqaalaha adduunka oo uu wakhtigan gilgilay Covid-19.

Waxa ay xukuumaddu sheegtay in Somaliland oo aan helin taageero miisaaniyadeeda lagu kabayo iyo weliba deynta ay dunidu siiso dalalka soo koraya ay u baahan tahay lacag ka badan 110 milyan oo dollar oo qayb ka mid ah lagu kabi doono miisaaniyadda.

“Saddexddii bilood ee u horeeyay ee sanadka , dakhiliga ka soo xarooda kastamadu wuxuu hoos u dhacay 9%.” ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaraddu diyaarisay.

Waxaanay intaas raacisay “Waxaanu rumaysanahay in dhibaatadu ugu badani dhici doonto qaybta labaad ee sannadka (April ilaa June), waxaanu qiyaasaynaa hoos u dhac ah 30% dakhiliga.”

Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxay sheegtay in bilaha dhexe ee sannadkan ay rejo ku qabto in Somaliland ka soo kaban doonto dhaawaca ka soo gaadhay hoos u dhaca dakhiliga.

“Waxaase aanu rajaynaynaa inuu soo kaban doono saddexda bilood ee dhexe ee sannadka oo uu khasaaruhu hoos ugu dhici doono 20%” ayay tidhi wasaaraddu, waxaanay intaas ku dartay in miisaaniyadda dawladda ee saddexda bilood ee sannadka u dambeeya aanu hoos u dhaceedu ka badan doonin 10%.

Xukuumaddu waxay sheegtay in ka hor intii aanu xanuunka Covid-19 dilaacin ay xukuumad ahaan aaminsanayd in dhaqaalaha dalku uu kor u kici doono qiyaastii 2% oo ahayd cabiraad lagu saleeyay miisaaniyadda 2020 “Laakiin hadda waxaanu rumaysanahay inuu hoos u dhici doono ugu yaraan 5%.”

Xukuumadda Somaliland waxay dunida ka dalbatay lacag dhan $ 110,805,000 (Boqol iyo toban milyan, siddeed boqol iyo shan kun oo dollar), si wax loogaga qabto cawaaqib xumada uu Somaliland gaadhsiiyay Covid-19.

Lacagtan qaybo ka mid ah oo dhan $36,600,000 (36 milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar), waxa lagu kabi doonaa hoos u dhaca miisaaniyadda, halka 54 milyan oo dollarna loogu tallo galay in lagu caawiyo qoysaska uu xanuunku saameeyay.

Wasaaradda Maaliyadu waxay warqadeeda ku soo koobtay, “Waxa aynu haysanaa wax aynu kala doorano oo ah ‘inaynu ficil samayno’ ama inaynaan ficil samayn, labada markaad eegto waxa inagu qaaliya ‘waxa wax badani inagu kacaysa’ ‘inaynaan ficil samaynin.” Sidaas ayay ku tidhi Qoraalka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net