Bismilaah, ummad waliba waxa ay leedahay diin, dhaqan iyo af u gaara oo ay kaga duwantahay dadka kale, runtii inagu waagii isticmaarka ka hor waxa aynu ahayn dad iyo duunyaba qaar dhisan oon xagal ka daac iyo gol-daloolo toona lahayn. Waxa aan ujeedada maansada kaga hadlayaa dadkan yar iyo weyn wixii ay hanti lahaayeen badhi-furay een lahayn wax ay maanta kula tartamaan aduunka waxaa dad is buuxshay. Xaga suugaanta oo ahayd ma huraan iyo mid micna weyn dadka u lahayd ayaa hada cid waliba shaxaad iyo magac ku doon noqotay; waxay maansadu soo baxday 20/12/2012 waxanay tidhi:
Murtiddiyo xilkeedii
Ma higgaadin xarafkoo
Maba deyin xageedee
Caaway igu xasishoon
Xadantada hoggeediyo
Xarunteeda helayoon
Xaqiiqada u faytee
Iga gura xayaabkiyo
Suugaanta xeeshiyo
Ku xijaaban garashada
Aduunyoy xaalkaa ba’
Tubtaaduna xufbeel iyo
Xabsi lagu habaabiyo
Xulad weeye naare
Dadku xeerka guud iyo
Noloshiyo xayaatada
Wuxu ahaa xil-qaadiyo
Xabiib iyo wadaad iyo
Xeer-beegti dahaboo
Faralkiyo xadiiskiyo
Dhaqankiyo xishoodkiyo
Xakamaha Illaah iyo
Xisaabaha adkeeyoo
Xididkay ka beermeen
Xero nool u oodee
Ragu wada xog-maaliyo
Xilkas iyo mid roonoo
Xigmad lagu manaystoo
Xaawila dadaalkoo
Duunyadiisa xejiyoo
Xil-qabeenabuu ahaa
Dumarkuna xariir iyo
Xaawalay aqoonliyo
Xaas lagu badhaadhoo
Gacal iyo xigaal iyo
Xidigaha nin gaadhiyo
Xeeldheere beertoo
Xuduntiisa reer bilan
Xambaaray ahaayeen
Barbaartuna xaluul iyo
Xamash iyo ugbaad iyo
Xalaal wada dhamaysoo
Xubi lagu gardaadshay
Xasanoow ahaayeen
Waxa jiray xidhiidh iyo
Kalgacayl iyo xiisoo
Dadku wada xigaal iyo
Xididbay ahaayeen
Xurguftiyo colaadiyo
Xasadka iyo beentiyo
Xanta iyo lurkeediyo
Inta laga xijaabtiyo
Xunka lama jeclaynoo
Qiyaamaha xogtiisiyo
In xabbaal la galayoo
Xukun adag la marayoo
Xayn-daabka ololkiyo
Naaraha xumbeeyiyo
Cadaab laysku xidhayaa
Nafta lagu xujeeyoo
Xiska lagu dardaaroo
Xasuusteeda la hayee
Intaaba waa la xooroo
Hadeer waa xergegen
Xaashee basaas iyo
Dhulku waa xadaafir
Waxa yimi dar xaaboo
Xirgigoodu eber yahay
Sammo waa la xaydoo
Xumahay ku dararaan
Xishoodku waa u ceeb
Xaaraanbaa u hantiya
Xeewalbaa u ciidana
Xuubkiyo dubkeeniyo
Xagkabkiyo afkeeniyo
Xaqiiq wixii aynu layn
Xansasbaa la saaroo
Xabaalbaa la geliyoo
Xaaluf iyo abaar iyo
Xafash iyo awaariyo
Xashiishbaa hadhee
Waxa xagal ka daaciyo
Xajiimada dusheeniyo
Xagtimaha inagu dhigay
Xafaarihii caddaankiyo
Xangaruufkii gaalkiyo
Waa gocoradii xumaa iyo
Xadhka goyskii diintiyo
Dhaqankeena xaaqee
Ximaayadii dhexdeeniyo
Xogobsaday duxdeenoo
Xag kalaa gumaysigu
Weli xaadir sii yee
Xaajada gunteediyo
Bal aan raaco xadhigaan
Xaglihiisa soohoon
Xanaf-tiro warkaygee
Suugaantu waa xaram
Hibo xaakim bixiyoo
Lagu xajo hankeediyo
Xaaxiga hirkeedoo
Xaddigeeda mawluhu
U xantoobsho ruuxuu
U xil-saaro garashee
Xejin kara hayaankee
Hal-abbuur xishood iyo
Xeel iyo garaad iyo
Xigmad iyo aqoon iyo
Xalad iyo af-maal iyo
Xaqa iyo garsoorkiyo
Murti xabadka taaloo
Xoorisa wanaag iyo
Xushmaa lagu yiqiine
Kol haddii xayraankiyo
Dadka kii xummaa iyo
Xabaglihii shaxaadkiyo
Xaashkiyo siggaarkiyo
Xaabxaabka kugu dayey
Xeerkaaggii dhimayoo
Waa horuu xijaabtee
Xila-furo abwaannimo
Xaal qaado gabayoow!
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Hal-abuure: Khaalid Kileesh
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Email: kooshin955@gmail.com
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Hargeysa, Somaliland