Hargeysa, 18 February,ย 2012 ย (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambo-baxay ka qayb-galka shirka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomalida, kaasi oo qabsoomayo 23-ka bishan.
Madaxwaynaha Somaliland oo sii mari doona Magaaladda Nairobi oo uu ka dhacayo shir uu qabanayo urur goboleedka IGAD, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku soo sagootiyey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo inta badan masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo ka hor inta aanu dhoofin warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa faahfaahiyey ka qayb-galkiisa shirka London โWaxaan u ambo-baxayaa dalka Ingiriiska haddii ALLE idmo halkaasi oo uu 23-ka Feberwari ka dhici doono shir ay dunidu iskugu imanayso oo illaa 45 dawladood iskugu imanayaan, shirkaasi oo lagaga hadli doono arrimo badan oo mandaqada saameeya haddii aynu nahay Somaliland waa la inagu marti-qaaday shirkaasi, waxaanu fursad u helaynaa inaanu ka dhiibano raโyigayaga oo aanu haddii ALLE idmo geyno qadiyadda Somaliand oo nalaga dhagaysto oo aanu la hadalo dawladaha iyo ummaddaha halkaasi iskugu imanaya. Waxaan doonaynaa inaan dawladaha ka soo qeyb galaya qadiyadeena ka dhaadhicino oo hoggo tusaalayno.โayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,ย โWaxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu shirkaasi inagu guuleeyo, ummaddu shirkaasi tagistiisa dood badan baa ka dhacday waa lagala tashaday Haโyadihiisa kala duwan, shirkaasi waa la isku raacay ummadda reer Somaliland inyar mooyaaneโe inteedii badnayd, Goleyaal, Asxaab iyo ururada cusub ee siyaasada ee la sameeyayba.โ
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net