Hargeisa, 11 January, 2012 (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhigga Weriye Maxamed Cumar oo ah Weriyaha Wargeyska Saxafi uga soo warama Gobolka Awdal oo maanta Xabsiga loo taxaabay, iyada oo hore uu u xidhnaa Weriyaha Royal TV ee Borama Yusuf Cabdi Cali.
Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta u kicitimay magaalada Borama, halkaas oo ay u tageen ka-hawl-gelidda sidii loo sii dayn lahaa Weriyayaasha xidhan, gaar ahaan Weriye Yuusuf Cabdi Cali oo maalmihii ugu dambeeyay ku xidhnaa magaalada Borama, βMaanta waxaanu u baxaynaa magaalada Borama oo ay ku xidhan yihiin laba Suxufi oo kala ah Yuusuf Cabdi Cali iyo Maxamed Cumar, waxaana ujeeddada socdaalkayagu tahay in aanu ka hawl-galno sii-daynta weriyayaashaas,β sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ka hor intii aanu u bixin magaalada Borama.
Weriyaha maanta la xidhay ee Maxamed Cumar ayaa la sheegay in amarka Β xadhiggiisa uu bixiyay taliyaha Dembi-baadhista ee Borama, waxaanu ku xidhan yahay xarunta dembi-baadhista ee isla magaladaas. βWaanu ka xunnahay Xadhigga weriyayaasha iyo tacaddiyadda ka-dhanka ah, waxaana loo baahan yahay in Xukuumadda Somaliland ay dib uga noqoto tallaabooyinka ka-dhanka ah saxaafadda madaxa bannaan,β ayuu intaa ku daray Xoghayaha guud.
Maxkamada degmada Boorama ayaa Weriye Yuusuf Cabdi ku xukuntay 45 maalmood oo xadhig ah, isla makraana sii-hayn (Rumaan) ah, ka dib markii uu laba maalmood ka hor ciidamada boolisku ay xabsiga u taxaabeen.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net